Shiikh Shariif oo kusii jeeda magaalo madaxda dalka Masar

M/weynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu la socda ayaa lagu wadaa in ay gaaraan saacadaha soo socda caasimadda dalka Masar ee Qaahira, halkaasoo ay kula kulmayaan m/weynaha dalkaasi Masar Xusni Mubaarik.

M/weynaya iyo wafdigiisa ayaa xalay ku hoyday magaalada Nairobi, halkaasoo ay kulamo kula qaataateen xubno ka socda beesha caalamka.

Casuumaad ayaa la sheegayaa in uu m/weynuhu ka helay dhigiisa Masar, mana cada wali waxyaalaha ay uga wada hadli doonaan kulankoodaas. Qaahira ayaa waxaa horay ugu sugnaa wafdi kale oo uu hogaaminayay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Xassan Ibraahim (Yuusuf Dheeg).
Developed by Jago Desain