Taasaa Mashaakila!

waxaa jiray nin hal-heyskiisu ahaa erayga taasaa mashaakila. Waagii danbe baa waxaa ninka iyo reerkiisaa soo booqday sodohdii , Markayse timid isagu reerka ma joogin oo shaqo buu ku maqnaa.

 Markuu soo laabtay baa loo sheegay iney sodohdii timid. Sidii lagu yiqiiney buu wuxuu yiri taasaa mashaakila.
Duqdii baa markay maqashay eraygaas caro la bakhtin gaartey kadibna carootay, ninka iyo gurigiisana isaga haajirtay. Maxaa meeshaa lagaa dhibsanayo ku dhigay bay mindhaa isku canaanatay!
Markuu ka warhelay in sodohdii hal-heyskiisii dhibsatey oo sidaas darteedna u carootay wuxuu ku jawaabay: taasaa mashaakila.
Developed by Jago Desain