Nibiri Kusoo Caariyey Boosaaso oo La Badbaadiyey.

Nibirigaan oo 7/12/2010 kusoo caaryey xeebta magaalada Boosaaso ee xarunta G/Bari ayaa lagu guulaystay in dib loogu celiyo gudaha badda.

Badbaadinta Nibirigaan ayaa si wada jir ah waxaa uga qayb qaatay maamulka Puntland,ganacsato iyo dadweynaha kunool gudaha magaalo ganacsiga Puntland ee Boosaaso kuwaasi oo u adeegsaday doonyo si dib loogu celiyo badda.

Nibirigaan oo noociisu yaha madaw ayaa xili danbe oo galabtay ah dib loogu celiyey badda,waxaana sida dad goob joogayaal ah ay sheegeen in Nibirigaan xeebta Boosaaso ay keeneen rag kalluumaysato ah oo sida la sheegay uu u galay shabaagyo ay dhigteen gudaha badda oo ku Kalluumasanayeen taasi oo keentay in Nibitgu uu galo shabaag ka mid ah kuwa la dhigay sidaasina uu kusoo caariyey xeebta.

Waxaana lagu qiyaasay balaca Nibirigaan hal iyo bar,dhererkana afar iyo bar,kaasi oo dadweynihii usoo daawasho tagay ay aad ula yaabanaayeen.

Xayawaankaan ayaa sida la sheego wuxuu yahay mid had iyo jeer u taagan in uu wax badbaadiyo waana mida keentay in isaga la badbaadiyo oo dib badda loogu celiyo.

Shabakada Baargaal.net
webmaster@baargaal.net
Developed by Jago Desain