Gabay xiiso badan oo la magac baxay “Hurgumo”

Tixdan magaceeda waxaa layiraahdaa: “hurgumo”waxaan curiyay mudo dhaway waxaynaka hadlaysaa dhibaatada Soomalida guud ahaan,iyo xaalada iyo marxaladaha kala gedisan ee maalin walba ina soo wajahayaa , colaadaha , abaaraha, khilaafyada, shisheeyaha faragelinta wada dhinac walba . tixdani waasidane ka bogasho wacan.

Hal abuurka suugaantu ma ahan hayb wax loo dhimo’e
Waa hibo Ilaahay baxshiyo haybad gooniyahe
Wow hirasho ruuxii yaqaan hilimadeediiye
Waa geed hadh waynliyo cagaar hooska aan dhigine
Waa haro biyo leh oo nin lihi ka haqab beelaaye.
Hayeeshee hannaankiyo ma helin himaladeediiye
Ma hikaadin nimankii Ilaah hooda uga yeelay
Haahay nin yiri bay latahay oon wax loo hurine
Horay bay murtida ugu hadleen hoboladeediiye

Halyeygii Suldaan Tima Cadaa hiifayoo nacaye
Hooy hooyda waa tuu lahaa hiirta waabariye
Hinbiriirsi arag ma ahan iyo hibasho beenaade
Hurdadii ka kaca yaan hadhow hoos wax loo dhugane.
Hayeeshee haruub hoos ka furan yaa wax loo heline
Hayin uma noqdaan waanadee way ka hoos bixiye
Sida hogosha roobkee ku da’ay dhagaxa heegtiisa
Ee aan wax Heena uga tagin hoobay sidiisii dheh
Sida haybadlaha Shiikh Quraan heerka sare gaaray
Oo aan dadkiisi u hibayn hoobay sidiisii dheh
Sida Hooyo wiil ay dhashee heedhe korinaysay
Ee aan ka helin hadal macaan hoobay sideesii dheh
Sida Hara dur dura oo aanan go’in had iyo gooraale
misna aan Haruub laga cabayn hoobay sideedii dheh
Sida Halo Irmaan oo ka badan Horin iyo dheeraadba
Misna aan habeen laga cabyn hoobay sidoodii dheh.

Ma hungoobo ruxii yaqaan meesha loo hirane
Hilinkiisa kama uu lumee wuu higsanayaaye
Ha yeeshee dadkaan heersariyo hoos wax ugu sheegnay
Misna aan hayeey laga helayn soow Hurguma ma ahan?
Dadkaan kala hayaameen midina mid u hanbaynaynin
Misna hooyo ubadkeeda uun sow Hurgumo maahan?
Dadkan hayb qabiil looga dhigay heerka noloshooda
Oo aan ka harahayn middaa sow Hurgumo maahan?
Dadkan calankii heega surnaa haysan garan waayay
Ee maanta heerkaa ka dhigay soow Hurgumo maahan?
Hanbadii gumaysiga dadkaan hayb u kala saray
Ee raba in ay kala haraan soow Hurgumo maahan

Hoggaan qodan dadkaan kala hadloon hos wax ugu sheegnay
Ee haybaddoodii ka tagay soow Hurgumo maahan?
Harar iyo Jabuutiyo ilaa hilinka Nayroobi Dadkan habacsan
een wada hadlayn soow Hurgumo maahan?
Hargaysiyo Kismaanyiyo ilaa hoyga Xarardheere
Dadkan habacsan een wada hadlayn sow Hurgumo maahan?
Hilinkii Wardheer iyo ilaa Hogob iyo Laas haano
Dadkan habacsan een wada hadlyan sow Hurgumo maahan?
Taariikhda hodonka ah haddaan hoosta ugu laabto
Oo aan hikaadshoon murtida hadal ka soo saaro
Waxaan helay in aan nahay dad aan hilinna raacayne
Halgankii Gureey waxaa la haray haybta aan nahaye
Halyeygii Daraawiishta waday hayb qabiil niriye
Halkii Faarax Seefeey na yiri haahay maan orane
Haybaddii Wadaadkii Barsame looma soo hogane
Hadafkii Janakii Daa’uud ahaa ruuxna muu heline
Halkii Ciise waataynu niri waa hal kuma taale
Hubaal ina Cigaal maanu helin heerki uu rabaye
Hadafkii Xarbiyo ma aanan maqal himilladiisiiye.

Intaasoo halyaay oo ahaa geesi hore jooga
Hareeraha lamaynaan qabane hoos ayaan niriye
Hoggoodii la gale ciil haduu hiifis leeyahaye
Ha yeeshee dhibtay ka hadlayeen maanta woow halise
Waa taa is wada hirtiyee dhiiggo hogag buuxo
Waa taa habaqlaheedii ku go’ay badaha heelkooda
Waa taa mid haadiyo mid aan haynba laga yeelay
Heer kastaba ha joogtee markaan waa hed sii bixiye
Hangasheedi waa taa dhawaan loo hadoodiliye
Haddii aan lahanan waa hubaal in aan la haynayne
Hooy hooy baraaruga dadyohow waad ka hurudaane

Yaxye Xaashi Maxamad
Developed by Jago Desain