Go’aamadii Kasoo Baxay Shirwaynihii Wadatashiga Beelaha Calbari & Laaso Surad

Beesha Siwaakhroon Waxay isugu timi Shirwayne guud oo Taariikhi ah , Shirkaa oo Qabsoomay  10/3/2011 Dhamaadayna 15/3/2011 Kana Dhacay Degmada Baargaal , Shirkaa Waxaa Ka soo qayb galay Beeldaajaha calbari iyo Dhamaan Salaadiinta iyo nabadoonada , Siyaasiyiinta , Aqoonyahanada , Ganacsatada  , Qurbojoogta, Haweenka, Dhalinyarada, iyo ururada Bulshada ee beesha siwaakhroon ee Degaamada Calbari iyo Laaso Surad.

  1. In midnimada Puntland lawada ilaaliyo , jiritaankeeduna yahay mid muqudas ah
  2. In maamul tayo leh oo wax ku ool ah loo dhiso degaanda Calbari iyo Laasosurad Si ay wax uga qabtaan arimaha dhaqan dhaqaale, siyaasadeed,bulsho,iyo amaanka degaanada.
  3. In la dhiso Gobol Ka Kooban 7 degmo iyo 73 tuullo oo Lagu magacaabo Ras Casayr kasoo Loo Gudbiyay 2003 dii maamul Goboleedka Puntland marar badana Lagala hadlay arimahaas .
  4. In bulshaweynta degta degaanada calbari iyo laasosurad ka helaan xuquuda ay ku leeyihiin Puntland Ha ahaato arimaha siyaasada , bulshada, sugida amaanka , iyo shaqo siinta .
  5. In maamulka Puntland uu dhowro kana fogaado wax allaale wixii khalkhal gelinaya nabadgelyada  iyo wada noolaanshaha beelaha walaalaha ah ee wada degan degaanka sida degmada baargaal.
  6. In degmooyinka Baargaal iyo Caluule ay ka tirsanyihiin 96 dii degmo ee ka jiray Soomaaliya burburka ka hor islamarkaana laga aqoonsanyahay  dawlada Soomaaliya iyo Puntlandba, ilaalinta Xudduudahooduna  ay yihiin arrin muqaddas ah oo aan gorgortan lahayn.
  7. in Guud ahaan ummadda soomaaliyeed ay ku noolaato nabad iyo walaalnimo si loo soo celiyo karaamadii iyo qaranimadii Soomaaliya, lana joojiyo colaadaha ka aloosan soomaaliya , wixii khilaaf ahna lagu dhameeyo isfahan iyo wadahadal
  8. In uu joojiyo dagaalada uu ka hurinayo maamulka Siilaanyo Gobolada Sool , Sanaag iyo Cayn gaar ahaan degaanka Kalshaale .
  9. In la joojiyo dagaalada ka dhexeeya beelaha walaalaha ee wada dega Puntland , Khilaafka jirana lagu dhameeyo si nabadgalyo ah oo daacadnimo iyo cadaalad ku dhisan
  10. In laga hortago lana joojiyo dilalka qorshaysan ee ka taagan magaalooyinka waawayn ee degaanada Puntland sida Galkacayo iyo Boosaaso.
  11. In lago hortago lalana dagaalamo dhamaan burcadbadeeda noocay tahayba iyo meelay joogtaba
  12. In laga hortago lalana dagaalamo maraakiibta xaalufisa badaha kuwaas oo sida sharcidarada ah u xaalufisa badaha kuna andacooda inay haystaan sharciyo balse been abuur ah.
  13. In la joojiyo Xaalufinta degaanada sida dhirta iyo dabargoynta ugaarta.
  14. In la joojiyo wasakhaynta bad iyo bariba lagu hayo degaanada Soomaaliya.
  15. Waxaanu Ka codsanaynaa Hay’adaha Dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn inay nagala qaybqaataan dib u dhiska iyo horumarinta degaankan la illaaway ee u baahan kaalmo degdeg ah waxaana diyaar u nahay in aanu sugno nabadgalyadooda iyo hantidooda .
  16. waxaanu ka codsanaynaa Dawlada Puntland , Hay’adaha caalamiga , sida UN , Jaamacada Carabta , EU , AU ,  iyo ururada islaamka inay ka qaybqaataan abaaraha ka taagan Soomaaliya gaar ahaan degaanada Ras Casayr.
  17. Waxaanu soo dhawaynaynaa ciddii Danaynaysa inay maalgashato Degaanka
  18. Waxaanu Ku boorinaynaa Qurbo joogta degaamadan u dhashay inay ka qayb Qaataan dhismaha maamulka , dib u dhiska iyo horumarinta degaamadan kor ku soo xusnay .
baargaal.net 
Developed by Jago Desain