Wafdiga Horomarinta Degaanka Rascasayr oo Si heer sare ah loogu soo Dhaweeyay Magaalada Baargaal

Dadwaynaha Degmada Baargaal ee Gobolka Bari oo ay horkacayaan Odayaasha Degmada , Maamulka , Culamaau’diinka iyo Ganacsatada Degmada ayaa maantay si cajiib ah u soo dhaweeyay Wafdiga Horumarinta Gobolka Raascasayr  oo ka qaybgalaayay Shir  ka dhacaaya Baargaal .

Wafdigan  ayaa markay gaareen magaalada waxa si heersare ah oo aan loo kala harin u soo dhoweeyay dadwayne aad u badan kuwaaso ay ka muuqdeen shacuur iyo dareen aad u sareeya ,

Wafdigan ayaa Soo gaaray magaalada Baargaal , salaada casar Ka bacdi , ayagoo maantay soo harsaday Fagoole ,

Waxaana la oran Karaa waxaa maantay Soo Dhawaynta Isu soo Baxay  Shacabkii Magaalada baargaal oo Dhan  , waxayna Wafdiga uga horyimaadeen Duleedka Magaalada

Wafdigaan Ayaa waxaa Magaalada U soo Galbiyayoo Horkacayay  Gawaari  soo Dhawaynta si wayn uga qaybgashay isla markaasna horsocotay Gawaarida Wafdiga ilaa ay ka soo kasoo galeen

Isku soo wada duuboo Waftigan oo ka KAla Yimi Daafaha Aduunka  ayaa iyagu maalmahanba Socdaalo  ku kala bixinayey qaybo ka mid ah gobolka iyada oo ujeedada safarkoodu uu yahay inay ka qayb galaan shirwaynaha ka dhacaya degmada baargaal ee beelaha siwaakhroon

Maxamed Ibraahim
Baargaal / Gobolka Bari 
Developed by Jago Desain