Burcabadeed Soomaaliyeed oo afduub ku qabsaday markab laga leeyahay dalka Taliyaaniga

Burcabadeed Soomaaliyeed ayaa la sheegay inay maanta oo Khamiis ah kasoo afduubeen markab laga leeyahay dalka Talyaaniga iyo 21-shaqaale ah oo la socda masaafo 350 mayl koonfur-bari ka xigta xeebta Salalah ee dalka Cumaan.
Afhayeenka ciidamada NATO ee ku sugan biyaha Soomaaliya Paddy O’Kennedy ayaa sheegay in markabka la afduubay oo lagu magacaabo MV Rosalia D’Amato la qabsaday aroornimadii hore ee maanta, iyadoo shaqaalaha la socda ay dhalasho ahaan kala yihiin lix Talyaani ah iyo 15 Fillibiin ah.

Mr. O’Kennedy wuxuu sheegay in markabkan oo culeyskiisu yahay 74,500 tan uu ka dul-babanayay calanka dalka Talyaaniga uu ku socday markii weerarka lagu qaaday dekedda Bandar Imaam Khumeyni oo dalka Iiraan uuna ka yimid dalka Baraasiil.

“Faahfaahin dheeraad ah lagama hayo xaaladda shaqaalihii markabkaas la socday,” ayuu yiri O’Kennedy. Isagoo intaas ku daray in xiriirka markabka uu lumay ka hor intii aan la afduubay, balse ay mar dambe ogaadeen inuu gacanta u galay koox burcadbadeed Soomaaliyeed ah.

Burcadbadeedda Soomaalida ayaa waxay gacanta ku hayaan maraakiib badan oo ay afduub ahaan u qabsadeen iyagoo ka doonaya madaxfurasho lacageed, iyagoo sii-dayntooda ku xira lacago madaxfurasho ah oo laga siiyo.

Dhanka kale, dowladda Koonfurta Kuuriya ayaa sheegtay in markab laga leeyahay dalkeeda ay ku la’dahay biyaha dalka Soomaaliya, kaasoo loo maleynayo in isaga iyo shaqaalihii la socday oo dhammaantood u dhashay dalkaas la afduubay.
Developed by Jago Desain