Djibouti:Madaxweyne Geele oo ku guuleystay doorashada Madaxweynaha

Doorashadii madaxweynaha ee shalay kadhacday wadanka DJibouti ayaa waxaa ku tartamay Madaxweynaha DJibouti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Musharax madax banaan ee Maxamed Warsame Raage oo ay taageerayeen mucaaradku.
Doorashadan ayaa si nabadgelyo ah uga dhacday dalka iyo Dibadiisaba.Guddiga doorashooyinka ayaa ku dhawaaqay in madaxweynaha hadda talada haya ee Ismaaciil Cumar Geele uu ku guuleystay aqlabiyad aad ah doorashadii madaxtinimada DJibouti 80.+% ,halka musharaxii la tartamayay ee Maxamed Warsame Raage uu helay 19.+%.

Doorashada wadanka Djibouti ayaa waxay ku soo aaday xilli wadamada qaarkood ee bariga dhexe iyo Africa ay ka socdeen kacdoono iyo mudaharaadyo rabshada wata oo lagaga soo hor jeedo madaxda wadamada.
Developed by Jago Desain