GOORTII DHULKAYAGII LA QEYBSADAY- Q-1aad

Adeer ! waxaad ogaataa in baduhu ay yihiin xuduud dabiici ah oo u dhexeeya umadaha dunida ku nool. Waa teet eeyan a tallaabi karin kuwa aanan aqoon u lahayn adeegsigeeda. Isla markaas waa irido u furan oo ay caalamka kala xiriiraan dadyowga garashada u leh adeega gaadiidka biyaha. Geeska Afrika wuxuu ku yaal meel dunida u dhexaysa, isla markaasna xeeb dheer ku leh labo badood oo caalami ah (badda Cas iyo bad-waynta Hindiya). Sidaa darteed ayaa degaanku goor hore wuxuu kamid noqday baraha kulmiya dhaqdhaqaaqyada ganacsiga dunida. Geeska Afrika waxaa xiiseeyay dhamaan mammulladii abuuray wixii ilbaxnimo ahaa ee dunida soo maray. Sababaha loo xiisaynayay, adeerow, waxay isugu jireen mid diineed, mid dhaqaale iyo mid siyaasadeed. Maamulladii boqortooyadii reer Fircoon ee ka jiray dalka Masar muddo 5.000 oo sano horteed ayaa iman jiray geeska Afrika iyaga oo gobollada waqooyi-bari ka guran jiray mydiga. Magaca ay degaanka u yiqiineen wuxuu ahaa Dhulkii Uduga Puntland.

Adeer ! dadyowgii ahaa Giriigii hore ayaa iyaguna kamid ahaa dadka socdaalada ku iman jiray dhulkayaga. Magaca ay degaanka u yiqiineen wuxuu ahaa Geeska The Horn. Dadka degaanka ku noolaana waxay u yiqiineen Breber. Adeerow waxaad ogaataa in magaca magaalada Berbera uu yahay raadka keliya oo ka haray magacii loo yiqiin dadkeenii hore. Magaalada Xamar ayaa iyana ah degmo ku xusan qoraalada taariikheed ee laga dhaxlay dadkii hore. 1000 sano horeetd, magaaladu waxay kamid ahayd degmooyinka ku yaal bad-waynta Hindiya kuwoodii ugu camirnaa. Magaca Geeska wuxuu ku xusan yahay qoraalladii ay ka tageen dal-mareenadii Giriiga ahaa ee iman jiray geeska Afrika. Waxaa kamid ah qoraal lagu magacaabo The Periplus of Erythrean Sea, kaas oo uu dhigay nin bad-mareen ahaa markay taariikhdu ahayd 60 sano c.d.

Adeer ! bad-mareeno iyo ganacsato Shiinees ah ayaa kamid ahaa dadka xilliga hore socdaalada ku yimid geeska Afrika. Xilliyada uu socdaalkooda ku beegnaa waa qarnigii 8-aad, kii 12-aad iyo kii 13-aad. Qoraaladii ay raggaasi ka tageen waxay ku xuseen in dadkeenii hore ee degganaa Geeska ay ahaayeen dad xoolo-dhaqato ah.

Bartamihii qarnigii 8-aad, ganacsato isugu jira Carab iyo Beershiyaan ayaa waxay soo degeen degmooyinka xeebta ah ee ku yaal koonfurta Soomaaliya (Xamar, Marka iyo Baraawe).

Adeer ! markii ay diinta Islaamku soo if-baxday oo ay Carabtii badowda ahayd noqdeen kuwo hoggaamiya ilbaxnimadii adduunka, waxaa bilaabatay in dal-mareenadii carbeed ay si joogto ah u yimaadaan geeska Afrika, wax badana ay ka qoraan. Adeerow ! ragga socdaaladaas ka dhex muuqda waxaa kamid ah :

1. Al-Yacquubi wuxuu soo booqday geeska Afrika qarnigii 9-aad.

2. Al-Mascuudi wuxuu soo booqday geeska Afrika sanadkii 933-kii c.d.

3. Al-Istakhri wuxuu soo booqday geeska Afrika sanadkii 960-kii c.d.

4. Ibnu-Howgal wuxuu soo booqday geeska Afrika sanadkii 977-kii c.d.

5. Al-Baruuni wuxuu soo booqday geeska Afrika sanadkii 1030-kii c.d.

6. Al-Idriisi wuxuu soo booqday geeska Afrika sanadkii 1154-kii c.d.

7. Al-Yaaquuti wuxuu soo booqday geeska Afrika sanadkii 1226-kii c.d.

8. Ibnu-Batuuta wuxuu soo booqday geeska Afrika sanadkii 1331-kii c.d.

9. Al-Haaruuni wuxuu soo booqday geeska Afrika sanadkii 1334-kii c.d.

10. Ibnu-Siciid wuxuu soo booqday geeska Afrika sanadkii 1344-kii c.d.

Waxaa kale oo jiray nin eeyan taariikhdu magaciisu xusin, kaas oo geeska Afrika ka qoray buug uu ku magacaabay Kitaab Al-Sinji.

Adeer ! dhul-mareenka la yiraahdo Ibnu-Siciid oo sanadkii 1344-kii wax ka qoray noloshii dadkeenii ku noolaa geeska Afrika, wuxuu xusay magac kamid ah magacyada odeyada ay ku ab-tirsadaan qaar kamid ah beelaha soomaaliyeed. Dal-mareenkaasi wuxuu tilmaamay in koonfurta Soomaaliya ay degganaayeen bulsho-wayn xoolo-dhaqato ah, kuwaas oo magacooda la yiraahdo Hawiye. Marka degaanka baadiyaha laga reebo, qoraagu wuxuu sheegay in dadkaasi ay ku noolaayeen tuulooyin ay tiradoodu gaarayso konton tuulo, kuwaas oo degmada Marka ay magaalo-madax u ahayd.

Adeer ! Ibnu-Batuuta oo booqashadiisii ay 13 sano ka dambeysay tii Ibnu-Siciid ayaa wuxuu booqday degmooyinka Saylac iyo Xamar. Qoraalkiisii wuxuu ku xusay noloshii dadkeenii ku noolaa degaamadaas, kuwaas oo uu ku magacaabay Berber. Afka ay ku hadlayeena wuxuu yiri waa af-berber. Adeerow ! halkaas waxaa ka muuqata in dadkayaga soomaalida ahi ay goor hore ahaayeen dad af- iyo dhaqan-wadaaga.

Adeerow waxaad ogaataa in qarnigii 15-aad iyo kii 16-aad ay geeska Afrika ka unkameen ilbaxnimo ay hor-mood u ahayd maamulkii boqortooyadii ay dhiseen dadkayagii reer Awdal. Maamulka saldanadaas waxaa degaan u ahaa dhulka u dhexeeya degmooyinka Saylac iyo Harar. Waxay soo gaarsiisnayd illaa dhulka Howdka ah ee degaanka Jigjiga. Saylac waxay ahayd magaalo camiran oo dekad leh. Waxaa laga dhoofin jiray hargaha iyo xabagta. Waxaa jiray colaado si joogto ah, reer Awdal kaga imanayay dhanka boqortooyadii reer Tigray oo saldhiggeedu ahaa degmada Oksum. Arintaasi waxay markasta sabab u noqonaysay dagaalo dhexmara ciidamada labada maamul. Sanadkii 1420-kii, dagaal ay Tigreygu ku jebiyeen ciidamadii soomaalida ayaa boqorkii Tigrayga Negash Yeshaq (1414 - 1429) wuxuu ka tiriyay gabay uu ku tilmaamayay guusha wayn ee uu helay. Gabaygiisaas waxaa kamid ahaa meel uu ku tilmaamayo in uu soomaalidii ka adkaaday. Gabaygaas waa raadka ugu da´da wayn ee uu magaca Soomaali ku xusan yahay. Sheekadan waa mid taariikhda soomaalida xiiso gaar ah u leh. Waayo waxay muujinaysaa in soomaalidu eeyan ahayn qowmiyad goor dambe ku soo biirtay dadyowgii degganaa geeska Afrika, bal ay yihiin qowmiyad da´ wayn oo raad hore ku leh degaanka.

Adeer ! qarnigii 14-aad iyo kii 15-aad waxaa si muuqata u kordhay xiriirkii ganacsi ee caalamka, kaas oo dadyowga dunida ku nool ay isku dhaafsanayeen waxyaabaha nolosha loo kaashado. Dadyowga reer Yurub waxay aad ugu baahdeen waxyaabaha raashinka lagu maceeyo, lagu dhanaaniyo, lagu carfiyo iyo kuwa lagu kaydiyo sida sokorta, cusbada, xawaajiga iyo filfisha. Waxaa kale oo ay u baahdeen waxyaabaha maanka dooriya iyaga oo ay u adeegsanayeen daawo ahaan. Waxaa kale oo ganacsatada reer Yurub ay xilligaas qiimaynayeen cudbiga. Waxyaabhaas oo laga heli jiray qaaradaha Afrika iyo Aasiya ayaa waxay kalliftay in ay socodoodii iyo socdaalladoodiiba ay ku bataan waddadii la oran jiray Waddadii Xariirta The Silk Road. Adeerow ogow oo waddadaasi waxay isku xiri jidhay deegaamadii laga curiyay ilbaxnimada dunida ka jirtay sida dhulka Shiinaha, Hindiya, Beershiya, Carabta, waqooyiga Afrika iy! ! o Yurub. Dadyowgii Carabta oo xilligaas lahaa ilbaxnimo hanaqaad ah oo ay ka dhaxleen diinta Islaamka ayaa waxay ahaayeen kuwa gacanta ku hayay meelaha ugu muhiimsanaa oo ay waddadaasi mareysay. Bad-waynta Hindiya oo ahayd fagaare qiimo gaar ah u lahayd ganacsiga lays dhaafsanayay ayaa ganacsatada carabeed waxay ahaayeen kuwo kaga gacan sareeyay umadaha kale.

Adeer ! Soomaalidu xilligaas waxay kamid ahaayeen dadyowgii camiray dhaqdhaqaaqii ganacsiga ee ka socdaydegaanka bad-waynta Hindiya. Degmooyinka Saylac, Xaafuun, Baraawe iyo Xamar ayaa kamid ahaa meelaha laga yiqiin caalamkii ganacsiga ee qarniyadii dhexe. Waxaa xusid mudan in waxyaabaha Yurub loo dhoofin jiray xilliyadaas, in kala bar ka badan ay ahayd cusbada. Meelaha ay ka qaadan jireena waxaa kamid ahayd degmada Xaafuun oo ganacsigeeda uu si toos ah ugu xirnaa magaalada Xims ee ku taal Shaam (Suuriya), taas oo ku tiil qalbigii Waddadii Xariirta.

Dabayaaqadii qarnigii 15-aad iyo bilowgii kii 16-aad, dhaqdhaqaaqii ganacsiga ee ka socday bad-waynta Hindiya waxaa ku soo biiray dowladihii Burtuqiiska iyo Isbaanishka, kuwaas oo jebiyay gacan sarayntii ay carabtu ku lahaayeen badwaynta Hindiya. Arintaasi, adeerow, waxay ka dambaysay markii ay degaanka u soo direen doonyo badan oo ciidamo hub casri ah sita ay saaraayeen. Kuwaas oo dagaalo ku qaaday degmooyin badan ee ku yiil xeebaha badwaynta Hindiya. Duulaamadaas, Soomaaliya, waxay soo gaareen sanadkii 1506-dii, markaas oo ciidamo Burtuqiis ah ay soo weerareen degmooyin ku yiil xeebaha koonfureed ee Soomaaliya. Ciidamadaas oo tiradoodu dhamayd 6000 oo nin ayaa la socday doonyo, waxayna siteen hub casri ah. Magaalooyin badan oo bariga Afrika ku yaal ayay ciidamadaas horay u soo mareen oo ay soo gubeen, dadkoodiina ay qaxiyeen. Markii ay soo gaareen degmada Baraawe, dagaal adag oo eeyan horay u arag ayay kala kulmeen dadkeenii halkaas ku noolaa. Nin la yiraahdo Copland oo taariikhdan wax ka qoray ayaa tilmaamay sidaas. Adeerow qoraalkiisii waxaa kamid ahaa sidatan :

" Difaacoodu (Soomaalidii) wuxuu ahaa mid caniid ah (qallafsan). Sidaa darteed baa Burtuqiiskii waxaa laga dilay tiro ka badan, 40 nin oo ciidamadoodii kamid ahaa ayaa ku naf waayay, waxaana laga dhaawacay 60 nin. Markaas dabadeed bay magaaladii gacan-gashay. Ciidamada soo duulay, waxay magaaladii ka yeeleen sidii magaaladii Mombaasa oo kale oo inta ay burburiyeen bay gubeen. Dabadeed waxay u gudbeen magaalada Muqdisha, oo sida la´ogyahay ahayd magaalada ugu camiran ugu hanti badan uguna ciidan badan degmooyinkii ku yiil bariga Afrika ".



By : Saadiq Eenow
Developed by Jago Desain