Kalluumeysato Iiraan ka soo jeeda oo Galkacyo la gaarsiiyey

Muwaadiniin u dhashay dalka Iiraan oo kabadbaaday weerar diyaarado dagaal ay maalin ka hor ku qaadeen degmada Hobyo ayaa maanta la gaarsiiyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, iyadoo maamulka Galmudugna uu cambaareeyay weerarkaasi.

Taliya Booliiska ee degmada Hobyo ee maamulka Galmudug C/weli Xasan Xirsi ayaa Radio Muqdisho u xaqiijiyay in 14 qofood oo Iraniyiin ah la gaarsiiye magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug Muwaadiniin u dhashay dalka Iiraan oo kabadbaaday weerar diyaarado dagaal ay maalin ka hor ku qaadeen degmada Hobyo ayaa maanta la gaarsiiyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, iyadoo maamulka Galmudugna uu cambaareeyay weerarkaasi.

Taliya Booliiska ee degmada Hobyo ee maamulka Galmudug C/weli Xasan Xirsi ayaa Radio Muqdisho u xaqiijiyay in 14 qofood oo Iraniyiin ah la gaarsiiye magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug gaar ahaan dhanka maamulka Galmudug, kuwaas oo ka soo badbaaday Doonidii ay saarnaayeen oo taalay xeebta Hobyo, kadib Markii fiidnimadii xalay ay duqeysay diyaarad dagaal, ka soo dul kacday Markab kuwa dagaalka ah oo fadhiya meel aan ka fogeyn xeebta Hobyo.

Taliyaha booliska ayaa xusay in labo ka mid ah shaqaalaha dalka Iiraan udhashay uu xoogaa dhaawac soo gaaray , hayeeshee ay xaaladoodu iminka tahay mid soo wanaagsanaaneysa.
Developed by Jago Desain