Shirka Nairobi ee Golaha Amaanka iyo somalida oo si rasmi ah u furmay

Waxaa si rasmi ah uga furmay magaalada Nairobi shirkii Golkaha Amaanka
QM iyo soomaalida kaas oo soconaya mudada labada cisho.Shirkan ayaa waxaa goob joog ah madaxda dowladda KMG iyo maamul goboleedyada Somaliland, Puntland iyo Galmudug.
Waxyaalaha ugu waaweyn ee lagaga hadlayo shirka ayaa ka mid ah ammaanka iyo xilliga kala guurka ee dowladda Soomaaliya oo waqtigeedu ku egyahay bisha Agosto ee fooda inagu soo haysa.
Shirka ayaa waxaa furay oo warbixin ka jeediyay ergayga Qaramada
Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Agostino Mahiga.
Sidoo kale waxaa shirka goob-joog ah wufuud ka kala socota Midowga
Afrika, Midowga Yurub iyo IGAD.

╔══╗
║██║
║¨o• Baargaal.Net
╚═|l Warar iyo Faalooyin Had iyo Jeer la Cusboonisiiyo
Webmaster@baargaal.net
Developed by Jago Desain