Waa Maxay Dhibaatada Haysata Saxaafada Degaanada Baargaal & Caluula

Akhristayaal waxaan jecelahay in maqaalkani uu bilow u noqdo qoraalo taxana ah,kuwaas oo aan ku eegi doono Hadii ilaah yiraahdo dhibaatooyinka haysata Saxaafada Degaanada Baargaal & Caluula , marka aan leeyahay saxaafada Baargaal & Caluula waxaan ula jeedaa qalabka war baahinta sida Joornalada –TV-Radio-ha iyo Webside-da internetka Waxaan aad iyo aad u jecelahay in laga doodo lagana wada hadlo dhibaatooyinka haysta saxaafada Degaanada Baargaal & Caluula oo maanta u muuqda qaar aan idhaha laga qarsan Karin,sida dib u dhaca,tayo xumada ka muuqata iyo erayada QABYAALADA oo xilligan caadi u noqday Saxaafadeena ,sidoo kale waxaa haboon in jawaabo cad cad aynu u helno su’aaalo badan oo ay ka mid yihiin kuwani ?

1-Maxaa keenay in TAYO ahaan Saxaafada Baargaal & Caluula Ka waranta ay noqoto tan ugu liidata marka loo eego Degaanada Puntland ?


2-Maxaa keenay in 2011 aanay Degaanada Raaas Casayr lahayn Radio Haduu Rabo FM HA Ahaadee TV- iyo Wargaysyo degaanka Gudihiisa wada Gaara oo Laga Akhristo Wararka Horumarka iyo Waxa Ka dhacaaya Degaanadaas

3-Ma shacabka Degaanada Baargaal & Caluula ayaan aqoon fiican u lahayn guud ahaan Saxaafada iyo faaiidooyinka saxaafadu leedahay ?

4-Maxaa keenay in ganacsatada u Dhashay Degaanada Baargaal & Caluula in ay lacagtooda ku maal galinwaayaan Saxaafada Qaybaheeda kala Duwan oo ay ula leexdaan xaga iyo ganacsiyada

5-Maxaa keenay in Dhalinyarada ka howl gala Saxaafada Baargaal & Caluula ay noqdaan kuwa aad u liita ,marka ay noqoto dhinaca qalabka iyo aqoontaba guud ahaan ?

6-Maxaa keenay in xilligan la joogo 2011 ,ay noqoto Saxaafada Baargaal & Caluula ku hadasha ay soo daabacdo erayao badan oo la oran karo waxay xambaarsan yihiin ERAYO QABYAALADEED & AFLAGAADO ?
Maxaa keenay in qaar mid ah Saxaafada Baargaal & Caluula Ku abtirsata ay noqdaan qalab lagu faafiyo wararka Beenta ah , ee sababi kara dhibaatooyin badan iyo isku dir ?

7-Hadal iyo dhamaan suaalahaas iyo qaar kale oo badani waxay ka mid yihiin suaalaha loo baahan yahay in jawaabo waafi ah loo helo, dhinaca kalena Saxaafada Baargaal & Caluula maanta ka jirtaa ,waa mid aad iyo aad u dambeysa,tayo ahaan iyo taag ahaanba, mana jirto wax horumar ah oo ay ku talaabsatay


Mahadsanidin
Shabakada Baargaal Net
Webmaster@baargaal.net
Developed by Jago Desain