Will Soomaali lagu dilay magaalada Stocholm ee dalka Sweden

Stockholm:-Wiil Soomaali ah ayaa lagu dilay mid kalana waa lagu dhaawacay magaalada Stockholm ee Caasumada dalka Sweden kadib markii sida la sheegay in ay isku dhaceen niman African ah oo ay wadajoogeen Club ku yaal bartamaha magaalada oo lagu magacaabo Sergel Torget.

Booliska, ayaa iyaku xiray nin African ah, waxay kaloo sheegeen in ay falka ka mid ahaayeen tiro intaas kabadan oo ay doonayaan in ay soo qabtaan, waxayna sheegeen in ay aaminsan yihiin dadka la dilay in aysan ka mid ahayn dambiilayaasha dhacdadan.

Booliska Sweden, ayay u sahlan tahay in ay ka salgaaraan wakhti dhow sida ay wax u dhaceen iyo cidda dambiga gashay oo ay saxaafada u soo ban-dhigaan.

Dalka Sweden, ayaa waxaa ku nool Soomaali badan oo lagu qiyaaso in ka badan 50.000, waxayna iskugu jiraan kuwo dhowrkii sano ee u dambeeyay soo galay iyo kuwo ku noolaa 20-ka sano ee dalka Soomaaliya bur-burka ku gudajiray.
Developed by Jago Desain