Baargaal.net :: Sheekookin ila qosol ah oo Xiiso Badan

Mar kale iyo sheekooyinkii xiisaha badnaa ee aad uga barateen shabakada Baargaal.net , qaybtaan sadexaad waxaan ku faran doonaa sheeko aan ka akhrinay buuga diiwaanka Qosolka ee uu qoray Jamaal Cali Xasan , maalin maalmaha ka mid ah ayaa nin tuug ahi Aw Xasan Jeebkiisa bidix ee shaadhka makiinad ku jeexay oo uu kala baxay lacag ku jirtay iyadoo ay tahay maalin cad dadkuna wada arkayo. Aw Xasan maba nuuxsan oo isha uun buu ka eegayey inta tuuggu lacagta ka qaadanayey lana baxsanayey. Markii la weydiiyey: “Aw Xasan maxaad ninka iskaga qaban weyday illayn wixiisu badheedh baabay ahaayeene?” Sidii caadada u ahayd Aw Xasan sangaabta ayuu ka soo qabtay jawaabtii ku munaasabka ahayd isagoo yidhi: ‘Eesh qiyaasak, wadnahaaban uga baqanayey inuu isagana igala cararo.”
____________________________________________________


Marr ay jirtay hub aruurin dalka soomaali ayaa waxa nin oday uyimid niman askar ah waxeeyne duqii ku dhaheen " adeer meel maku ogtahay ay yaaliin qoryo " duqii ayaa dhahay "haa" Wuu soo Kaxeeyey oo keenay meel qorya caadi ah yaaliin waa kuwa dabka lagushito markaas ayey dhaheen "adeer kuwaan maahin ee waa kuwaan oo kale waxeyne utilmaameen kuwa aay wataan oo kale markaas ayuu odaygii ku dhahay waan ogahay, Askartii baa tiri aaway waxuuna ku dhahay waa kuwaa oo idinkaa wata


____________________________________________________



Juxa iyo Qiyaanadii Sabta
Juxa oo gaajo tacbaan la ah ayaa mali arkay cid sab (umuur) qabta sidaad somalida kutaqaana dadka aan la aqoon gudaha uma ogoladaan, juxa waxoow arkay carrur hordhooban markasuu isyiri ciyaalkaan amay kugu cariirshaan sabta markasuu go'aansaday inoow ciyaalka khayaano Ciyaalkii waxuu itilmaamay meel been ah sabi kajirin asagoo isaga dhigaya inoow hada kayimid Ciyaalkina halmareey orod isdayeen ooy u ordeen dhinicii uu sabta beentaa uga sheegay Juxa intuu layaabay ciyaalka sideey u ordeen ayoow isyiri ameey runtahay oow asagina kadaba orday


____________________________________________________


waxaa is laayey laba nin,marka mid ayaa waxaa lagu bilaabay feer kii kalena wuu caaytamaayay intaas, markii dagaalka dhamaaday ayaa waxa la weydiiyay maxaad isaga celin waayday ninka feerka kula dhacayey markaas buu ku jawaabay; idinka waxaad arkeyseen feerkiisa,wixii cay afkeyga ka baxaaysay maydin arkayn miyaaaaa Xasidiin idaa xasada baad tihiin 


____________________________________________________


Nin ayaa gabadhii uu qabay ka dudey oo ka xanaaqday , ka dibna kii qabay iyo mid kalaa ka daba tegay, inantii oo gurigooda joogta ayey ugu tageen, marka odaygii baa is yiri inantii waatii soo dudeye ninkii qabayna waa kan daba socdee bal wareyso, marka wuxuu yidhi "waar hebel heblaayana halkan bay joogtaaye, maxaa dhacay?!!"Markaas ninkiinna wuxuu ku jawaabay "Waar inantaadii bac kaleey la timi!!". Mid odayga la joogey baa yirii "Waar inanku muxuu yidhi?!!", marka isna kii kalaa u jawaaboo ku yiri "Iska dhaaf waa Dhaka kalee!!". Odaygii markuu af garan waayey labadii inan buu iskaga tag isna yiri naagtii wareysatid, oo kuna yiri "Naayaahe halkan ninkaagii iyo nin kaloo la socdaan ugu tegay oo af garan waayeye, maxaa jira?!!", markaasey tiri "Oo ma iyagii baa khuuradaa la yimid?!!" kolkaa mid ay inanta is reer ahaayeen oo odayga la socday, ayaa wuxuu arkay inuu odaygii lunsanyahay, oo wixiina waxba ka garan waayey, baa odaygii ku yirii "Eeyaahee I af garan mayside OHO KA DHEH!!!!"


Shabakada Baargaal.net
Webmaster@baargaal.net
Developed by Jago Desain