C/wali Max,ed Cali oo loo magacaabay Ra,iisul wasaaraha Soomaaliya

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa goordhow si rasmi ah ugu magacaabao Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi wali Max’ed Cali oo maalmihii u dambeeyay ahaa siihayaha ninkii sii hayay xilkaasi.
Xaflad balaaran oo haatan si toos ah uga socota xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya waxa uu halkaasi uga dhawaaqay Ra’iisul wasaaraha Cusub ee Soomaaliya in uu yahay C/wali Max’ed Cali oo ka mid ahaa wasiiradii xukuumadii Max’ed Cabdullaahi Farmaajo.


Goobta lagu magacaabay Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa waxaa ku sugan xildhibaano ka tirsan Barlamanka KMG Soomaaliya iyo xubno ka mid ahaa golihii wasiirada Max’ed Cabdulaahi Farmaajo.


Maalmihii u dambeeyay ayaa si aad ah waxaa loo hadal haayay in C/wali loo magacaabi doono Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxaana la tashiyo kadib madaxweynaha dowladda KMG uu si toos ah haatan ugu dhawaaqay C/wali Max’ed Cali in uu yahay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya

R/wasaaraha cusub ayaa ka mid ahaa xukuumadii Farmaajo, isagoo ahaa Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah, waxaana looga fadhiyaa R/wasaaraha cusub C/weli Maxamed Cali, in uu soo dhiso xukuumad tayo leh oo wax ka qabata Marxaladda adag ee dalku marayao

Waxaana Anagu u rajaynaynaa raiisal wasaaraha cusub in uu ku guulaysto Hawsha qaran ee loo xil saaray ,

Maxamadeey Amiin
Baargaal.net - Moqdisho
Developed by Jago Desain