Maamulka Waxbarashada G/Bari oo furay kulan looga hadlayo waxbarashada

Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Bari ayaa maanta furay kulan Balaadhan oo soconaya Mudo 4 maalmood ah, kulankaas oo ka furmay Maanta Hoteel Rooble ee Magaalada Boosaaso, kaasi oo ay ka soo qaybgeleen guud ahaan laamaha kala duwan ee Waxbarashada Gobolkan Bari, maamulka wasaarada ee Gobolkan Bari iyo Laamo ka socda Bulshada rayidka ah.

Guddoonmiyaha Waxbarashada Gobolka Bari Mahadi Maxamuud Muuse (Caraaale) ayaa ugu horayn kulankaasi furay isagoo sheegay inuu aad ugu farsan yahay inuu maanta ka soo qaybgalo ama nasiib u u yeesho inuu dhex fadhiyo Guud ahaan Laamaha kala duwan ee Wasaarada Waxabrashada ee G/bari, kulankaas oo noqonaya kii ugu horeeyey ee ay yeeshaan laamaha waxbarashada G/bari.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in kulankan uu soconaya Mudo dheer ayna ka soo qaybgaleen Hay,addaha Waxbarashada ee Laamaha kala duwan ee Gobolkan Bari, isagoo Guddoomiyuhu u mahadceliyey dhammaan laamaha Waxbarshada ee gobolka Bari ee kulankaas ka soo qayb galay, taas oo uu yiri inay tahay mid wax ka taraysa horrumarka dhanka waxbarashada ee gobolka.

Kulankan oo looga xoojinaayo arrimaha waxbarashada iyo sidii door wayn ay dowlada Puntland uga qatyb qaadan lahayn arrimaha waxbarashada ayaa waaxaa maalgelinaysa Hay,add SAVE OF CHILDEREN, Waxaana Fulinaysa Wasaarada Waxbarashada Dowlada Puntland ,iyadoona kulankaasi ay soo xadireen in ka badan 80 Qof oo ka kala socda Goobaha waxbarashada ee gobolka Bari iyo Wasaarada Waxbarashada Xafiisyadeeda G/Bari.

Talaabadan ayaa waxaa si diiran u soo dhaweeyey qaybaha kala duwan ee Bushada reer Boosaaso, waana markii u horeysey oo kulan wada tashi ah uga furmo Maamulka cusub magaalada Boosaaso

Shabakada Baargaal.net
webmaster@baargaal.net
Developed by Jago Desain