MUQDISHO: Bannaanbaxyo looga soo horjeedo go’aanka uu Farmaajo isku casilayo oo Muqdisho ka dhacay

Mudaaharaadyo waaweyn oo lagu taageersan yahay Ra’iisul Wasaaraha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo loogana horjeedo go’aanka uu ku gaaray inuu xilkiisa isaga casilo ayaa ka dhacay degmooyinka ay dowladdu kaga sugan tahay Muqdisho.
Banaanbax ka dhacay Muqdisho Dadweynaha kasoo qaygbalay dibadbaxyadan oo isugu jirayqaybaha bulshada ayaa waxay soo buux-dhaafiyeen waddooyinka waaweyn ee degmooyinka ay dowladdu ka taliso, iyagoo ugu dambeyn isugu soo ururay afaafka hore ee Madaxtooyada.

“Waxaan codsanaynaa in laga laabto go’aanka uu isku casilayo Farmaajo, waa inuu howsha sii wado” ayay dadka qaarkood ku qaylinayeen, iyagoo watay boorar ay ku qoran yihiin erayo wadaniyadeed iyo erayo ay uga soo horjeedaan Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Afhayeenka Baarlamaanka Shariif Xasxan Sheekh Aadan.

Erayada ay dadkan ku dhawaaqayeen waxaa ka mid ah in ciddii diidan Farmaajo aysan doonayn, waxayna haween waayeello ah oo saxaafadda la hadlay ay sheegeen in xukuumaddu ay horumar gaartay oo aan la burburin horumarkaas.

“Waxaan doonaynaa Farmaajo, waxaan diidaynaa Labada Shariif iyo xildhibaannada Baarlamaanka,” ayay yiraahdeen qaar ka mid ah dadkii dibadbaxa dhigayay, iyagoo sheegay inaysan doonayn cid walba oo dalka burbur u horseedaya.

Ciidamo ka tirsan DFKMG ah ayaa ka mid ahaa dadkii dibadbaxa ka qaybgalayay kuwaasoo oo sheegay in guushii ay gaareen la doonayo in maanta dhidibbada loo siibo, iyaguna ay kasoo horjeedaan.

Bannaanbaxyadaan ayaa waxay hakad geliyeen isku socodka gaadiidka iyo ganacsiga iyadoo waddooyinka ay dowladdu ka taliso ay buuxiyeen dadweyne careysan, kuwaasoo sheegay in ra’iisul wasaaraha lagu qabsanayo inuu khasab isku casilo iyaguna aysan aqbalayn.

Waa bannaanbixii ugu weynaa ee Muqdisho ka dhaca sannadahan, waxayna ku tilmaameen Labada Shariif inay yihiin daba-dhilifyaal u shaqeeya dalalka dibadda aan dan ka lahayn dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Shabakada Baargaal.net
webmaster@baargaal.net
Developed by Jago Desain