Wefdi Kasocda Qaramada Midoobay iyo Dowlada Japan oo ku sugan Bosaaso

Wefdi kasocda qaar kamid ah Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Dowlada Japan ayaa soo gaarey magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari iyadoo ay soo dhoweyeen Wasiiro ka tirsan Xukuumada Puntland iyo maamulka gobolka Bari.

Sida wararka ka imaanaaya dhanka magaalada boosaaso sheegaayaan   wefdiga waxay kasoo dhoofeen magaalada Nairobi ayna kasoo degeen garoonka diyaaradaha ee Bosaaso.

Gudoomiyaha gobolka Bari Cabdixaafid Cali Yuusuf oo ayaa u sheegay warbaahinta in wefdiga ay u yimaadeen in ay u kuurgalaan xaaladaha ka jira iyo sidii ay uga sameyn lahaayeen mashaaric horumarineed.

Wuxuu intaas ku daray in wefdiga ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan masuuliyinta Puntland.

Bilowga sanadkaan ayaa waxaa magaalada Bosaaso soo gaarey Xirririyaha Bin’aadanimada Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Mark Bowden oo socdaal ku gaarey ilaa magaalada Qardho,waxaana uu xilligaas u kuurgalaaya abaaraha jirey iyo dadka barakacayaasha.

shabakada Baargaal.net
webmaster@baargaal.net
Developed by Jago Desain