Dooni Afka hore ee Dekeda Boosaaso ku degtay


Waxaa Habeen Hore  Ku degtay  afka hore ee kadinka Dekeda Boosaaso Laga soo galo  doon Ganacsi oo Lagu Magacaabo al cabuud kadib marii ay ku dhacday meel dhagxaan iyo ciid ah oo  la maleynayo in dabeylaha dhacaya ay ku garaaceen

Doonidan oo ka soo shiraacatay Dalka Cumaan ayaa ku rarneyd Bur iyo Bagaash kale oo loogu talagalay Bisha Ramadaan, waxayna u rarneyd Ganacsato Reer Boosaaso ah.

Qaabka ay doontaasi u dagtay ayaa waxaa ka hadlay wasiirka amniga Puntland mudane Khaliif Ciise Mudan oo sheegay inay sabab u tahay dagitaanka doonidaasi  dabaylo xoogan oo ka dhacay xeebta boosaaso iyadoona markii danbe jidkii ka dhuntay isla markasna degtay.

Sidoo kale wasiirka amniga ayaa sheegay inay isku dayeen  inay badbaadiyaan Raashinka iyo Bagaasha saarnaa doonidaasi,  balse  laga gaari waayey kaddib markii ay labo qaybood u kala jabtay isla markaasna way dagtay ayuu sheegay Khaliif Ciise Mudan .






Sidda la sheegayo Doonidaasi waxaa laga lee yahay wadanka Pakistaan waxayna u rarneyd ganacsato magac ku leh degaanada Puntland isla markasna shirkaddo waa wayn ku leh Puntland,waxaana sidoo kale la sheegayaa in guud ahaanba lasoo bad-baadiyay shaqaalihii saarnaa doonidaasi lagu magacaabi jiray Al-Cabuud.

Shabakada Baargaal.net
Isha Wararka Calbari

Developed by Jago Desain