Duqii Hore Ee Degmada Caluula Oo Dib Loo Sii Daayay

Wararka laga Soo Tabinaayo Magaalada Madaxda Gobolka Bari ee Boosaaso ayaa sheegaya in  Dib loo sii daayay Duqii hore ee degmada Caluula Mudane Xareed Ciise Cumar oo Horaantii Bishii May  lagu xiray magaalada boosaaso  ,

Mudane xareed ciise cumar ayaa xabsiga ku jiray ku dhawaad laba bilood , ayadoo aan wax danbi ah lagu soo oogin ,  Duqii hore ee degmada Caluula Mudane Xareed Ciise Cumar  ayaa  inta aan xabsiga loo taxaabin  hadalo siiyay  warbaahinta , hadaladaas oo uu ku dhaliilaayo maamulka Puntland
Developed by Jago Desain