Ergayga Midoowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya oo maanta soo gaaray Muqdisho.

Muqdisho: Ergayga Midoowga Afrika ee Soomaaliya Mr Jerry Rowlings iyo wafdi uu hogaaminayey ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Ka dib markii Wafdiga uu ka oo degay Garoonka magaalada Muqdisho ayaa ciidamada Amisom waxa ay u gudbiyeen xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Mr Jerry Rowlings ayaa haatan kulan albaabada ay u xiran yihiin la galay Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed,Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya c/wali Gaas iyo Gudoomiyaha baarlmaanka Shariif Xasan.

Madaxweynihii Hore ee Dalka Ghana iminkana ah Ergayga gaarga ee Midoowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa safarka maanta waxa uu noqonayaa kii ugu horeeyey ee uu ku yimaado Muqdisho.
Developed by Jago Desain