Gaari Degmada Baargaal u raran oo laga Afduubay Tuulada Dhiriqle

waxaa maantay Galinkii Danbe lagu afduubay  Wadada Aada Degmada Baargaal Gaar ahaan Tuulada Dhiriqle Gaari U rarnaa Degmada baargaal oo rikaab iyo  siday  Raashin Laga leeyahay Baargaal oo uu ka soo qaaday Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Kooxda afduubatay Gaariga  ayaa waxaa ay ka afduubteen baabuurkaan Meel u dhow Tuula Ciise ,  oo la yiraahdo dhiriqle , waxayna u kaxaysteen Gaariga Xaga iyo Degmada Iskushuban sida wararku sheegaayaan ,Ayagoo Dhigay Rikaabkii Meel Cidla ah ,  waxayna kaxaysteen gaariga iyo Dareewalkii Gaariga .

Arinta Ayaa Lala Xiriirinaayaa Dagaal laba kooxood oo burcadbadeed ah oo laba beel kasoo kala jeeday Todobaadkii hore ku dhexmaray Gudaha Degmada Baargaal 

Ma jiraan ilaa iyo hadda Cid Kahadashay Gaarigan La qafaashay oo katirsan  Maamulka Gobolka bari .

Baargaal.net 
Developed by Jago Desain