Isimada gobolka Bari oo ka warbixiyay kulan ay dhowaan la qaateen madaxwaynaha Puntland

Suldaan Cabdilaahi Saalax Cumar Jeenacada oo ka mid isimada gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa ka hadlay kulan dhowaan magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ay isimo iyo waxgaradka gobolka Bari ay la yeesheen madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo qaar ka mid ah golihiisa xukuumadda.

Suldaan Cabdiaalhi Saalax Cumar Jeenacad oo waraysi siiyay Horseed Media ayaa sheegay in kulanka ay la qaateen madaxwaynaha Puntland iyo golihiisa xukuumadda uu kusaabsanaa arimo fara badan oo ay ugu muhiimsanaayeen.
1 -In dowladu waajibaadka nabadaynta ay dardar galiso
2-In isimadu ay doorkooda qaataan.
3-In nabada wadanka siwayn looga shaqeeyo iyo arrimo kale.
gabagabada kulankaasi ayaa lagu guddoonsaday:
1-In dowlada iyo isimada ay iska kaashadaan nabadgalyadda.
2-In la iska kaashado horumarka iyo nabadgalyada guud iyo arrimo kale.
Waxaa sheegid in sidoo kale gudi loo magacaabay xal ka gaarida dhibaatooyika ka dhex dhacay bulshada,gaar ahaan dhibaatadii dhex maratay laba beelood oo wada dagta gobolka Bari.
Isimada iyo waxgaradka la kulmay madaxwayanaha iyo qaar ka mid ah golaha xukuumada ayaa waxaa qayb ka ahaa:
1-Ugaas Xassan Ugaas Yaasiin.
2-Suldaan Cabdulaahi Saalax Cumar Jeenacad.
3-Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin.
4-Suldaan Bashiir Muuse Koonte
5-Garaad Cbdulaahi Xildiid Soote.
6-Gen Cali Ismaaciil Maxamed.
7-Ganacsade Cabdifataax Maxamed Sugule iyo xubno kale.
Suldaan Cabdulaahi Saalax Jeenacad ayaa sheegay in waqtigan ay jiraan ifafaalo lagu wada hadal siinkaro labada beelood ee dhowaana colaada ku dhexmartay gobolka Bari,waxaana uu xusay in waxgaradka labada beelood ay ka go’an tahay inay wada hadlaan.
Ugu dambayntii Suldaan Jeenacad ayaa ugu baaqay beelaha Puntland inay ka shaqeeyaan amaanka guud ee degaanada Puntland.


Xigasho : Horseed Media

Developed by Jago Desain