Liiska Golaha Wasiirada oo La Shaaciyey

Warqad ka soo baxdey Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan dhanka saxaafadda oo soo gaartey Warbaahinta  ayaa lagu shaaciyey Magacyada golaha Xukuumadda Raysalwasaare D.Cabdiweli Gaas, Golahan ayaa u muuqda kuwo cusub,  waxayna ka kooban yihiin 18 wasiir.



Dowlada Somalia dastuurkeeda waxaa ku qoran in awoodaha dalka lagu qaybsado, halbeega 4.5 taas oo keentay in dadku xiiseeyaan inay ogaadaan qof walba iyo hayb-tiisa.

1-Axmed Xasan Gaboobe Wasiirka Wasaaradda Garsoorka, Arrimaha Diinta & Aw-qaafta= Dir Biyamaal
2- Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim Ra’iisul-Wasaare ku-xigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda= Digil,Dabare
3- Xuseen Carab Ciise Ra’iisu-Wasaare Ku-Xigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga= Dir-Isaaq
4- Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif Ra’isul-Wasaare Ku-Xigeen ahna Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha= Daarood,Ogaadeen.
5- Cabdisamad Macallin Maxamuud Sheekh Xasan Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka= Hawiye Habargidir Ceyr.
6- Cabdinaasir Maxamed Cabdulle Wasiirka Wasaaarada Maaliyadda Daarood=Mareexaan.
7- Marwo Caasho Cismaan Caqiil Wasiirka Wasaaradda Haweenka & Arrimaha Qoyska =Jareer weyne.
8- Cabullaahi Xaaji Xasan Maxamed Nuur Wasiirka Wasaaradda Beeraha & Xannaanada Xoolaha=Raxanweyn Leesaan.
9- Cabdicasiis Sheekh Yuusuf Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka=Dir Faqi.
10- Cabdulqaadir Xuseen Maxamed Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Boostada & Isgaarsiintar=Hawiye Murursade.
11- Maxamed Muxiyadiin Sheekh Mursal Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Dhallinyarada & Isboortiga =Isaaq
12- Cabdiraxmaan Sheekh Ibraahim Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga, Kheyraadka Badda=Dir.
13- Aadan Cabdullaahi Aadan Wasiirka Wasaaradda Gaadiidk Cirka iyo Dekadaha= Raxanweyn Hadamo.
14- Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil Wasiirka Wasaaradda Dastuurka & Dib-u-heshiisiinta= Daarood Leelkase.
15- Jaylaani Nuur Iikar Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Guriyeenta= Reer Suufi.
16- Cabdulqaadir Maxamed Dhicisow Wasiirka Wasaaradda Macdanta & Batroolka= Hawiye Gaal jecel
17- Prof. Axmed Caydiid Ibraahim Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha & Tacliinta Sare= Daarood Harti, Dhulbahante.
18- Cabdullaahi Goodax Barre Wasiirka Wasaaradda Qorsheeynta & Iskaashiga Caalamiga= Hawiye, Xawaadle.

Shabakada Baargaal.Net
webmaster@baargaal.net
Developed by Jago Desain