Madaxwaynaha Dowladda Puntland oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland,kadib markii maalmihii ugu dambeeyay uu safar uu ugu maqnaa dalka dibadiisa




Madaxwaynaha Puntland ayaa markii uu kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe,waxaa kusoo dhoweeyay masuuliyiin ka tirsan labada gole ee xukuumadda Puntland sida golaha baarlamaanka iyo golaha wasiirada.

Madaxwayne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa saxaafadda la hadlin kadib markii uu kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe,waxaana diyaaradii waday ay kasoo qaaday dalka Uganda.
Dib u soo laabashada madaxwaynaha Puntland ayaa kusoo beegmaysa xilli warar soo baxaya ay sheegayaan in shirkii wadatashiga ee lagu waday in lagu qabto Soomaaliya loo weeciyay dalka Uganda kadib markii masuuliyiinta Dowladda KMGS iyo maamulka Puntland uu mid kastaa uu ku dhawaaqay inuu shirka martigalin doono.


Madaxwaynaha Punland ayaa sideedii bishan (July) ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe,waxaana uu safaro kale duwan uu ku tagay dalalka Kenya iyo Uganda oo uu kula soo kulmay masuuliyiin katirsan beesha caalamka iyo ra’isal wasaara Dowladda KMGS Cabdiwali Maxamed Cali.

Baargaal.net
webmaster@baargaal.net
Developed by Jago Desain