Madaxweynha Sudan oo Sheegay in uu sii socon doono dagaalka Gobolka Kordufaan.

Madaxweynaha Dalka Sudan Cumar Xasan Albashiir ayaa ku dhawaaqay in uu sii socon doono dagaalka Ka jira xuduuda ay wadaagaan Waqooyiga iyo Konfurta Sudan ilaa iyo inta mucaaradka ay hubka isaga dhigayaan.
Cumar albashiir ayaa waxaa uu intas ku daray in ciidamadiisa waqooyiga  uu ku amraya in sii wadaan dagalka ka socda gobolka Koonfurta kuyaal ee Kordofaan.
Madaxweynaha Sudan ayaa waxaa sabab uga dhigay in Hadalkaasi hanjabaad ah in Mucaarad hubaysan ay wali joogaan gobolka Kordufaan taasina aysan suuragal aheyn in ay Joojiyaan dagaalka ilaa mucaarad uu ka howlgalayo gobolkaasi.
QM ayaa todobaadkan waxaa ay go’aamisay in ciidamo nabad Ilaalin ah loo diro Gobolka Abyay ee Saliida Hodanka ku ah ,iyadoo ciidamdas ay ka socdaan dalka Itoobiya balse dhibataooyin kale ayaa Waxaa ay ka soo cosboonaadeyn gobolka Korfudaan oo kuyaal xuduuda ay wadagaan Koonfura iyo Waqooyiga.
Developed by Jago Desain