Markabkii Shidaalka ee Burcadu Afduubatay oo Raas Binna Soo Gaaray

Waxaa Saakay Subaxnimadii hore soo Gaaray Xeebaha Raas Binna ee Degmada Baargaal Markab ay Soo Afduubteen koox burcadbadeed ah maalinitii sabtida aan soo dhaafnay 

Ciidamada la dagaalanka burcad badeeda Midowga Yurub ee joogo badaha iyo xeebaha Soomaaliya ayaa sheegay in markabkan oo lagu magacaabo MV JUBBA XX ay gacanta ku dhigeen burcad badeeda

Warbixin ay maanta soo sareen ciidamada howlaglka la gadaalanka burcad badeeda ee Midowga Africa ayaa waxa ay ku xaqiijiyeen in markabka lala aaday Soomaaliya iyadoo ay hada koreen sagaal nin oo burcad badeed hubeysan ah.

Markabka ayaa ka yimid dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta waxaana uu kusii jeeday dalka Soomaaliya, waxa la socday 16 badmaaxe oo isugu jiray shan Hindi ah, afar Soomaali ah, sadex nin oo u dhalatay Bangladesh halka kuwa kale ay kasoo kala jeedaan dalalka Sri Lanka, Sudan, Kenya iyo Burma.

Waxaa kaloo La sheegaayaa in Laba doon Oo ciidamada Badda Puntland ay daba joogaan markabka laakin warar sugan lagama hayo arintaas .


Developed by Jago Desain