Guddoomiyaha midowga Afrika oo tegay Muqdisho

Guddoomiyaha guddiga midowga Afrika Jean Ping iyo wafdi kale oo ka socda midowga Afrika ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, halkaasoo ay kulamo kula leeyihiin madaxda dowladda iyo kuwa AMISOM.
Wafdiga Jean Ping ayaa waxaa ka mid ah madaxa howlaha nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM, waxaana iminka ay kulamo ay kula leeyihiin Muqdisho saraakiisha ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM.
Inkastoo illaa iyo hadda aanay warbaahinta la hadlin xubnahaan Muqdisho tegay ayaa haddana wararka Bar-kulan ay helayso waxa ay sheegayaan in wafuudda midowga Afrika iyo saraakiisha AMISOM ay ka wada hadlayaan xaaladaha Muqdisho iyo guulihii ugu dambeeyay ee ciidamada wada jirka ah ee AMISOM iyo  kuwa dowladda KMG ah ay ka gaareen Muqdisho.
Wafdigaan ayaa sidoo kale waxaa la filayaa in ay booqdaan xeryaha dadka barakacayaasha ee Muqdisho, halkaasoo qoysas  farabadan oo abaartu ay saameysay ay ku dhaqan yihiin.
Kaddib kulamadaan markii ay u dhamaadaan madaxda midowga Afrika iyo saraakiisha AMISOM, waxaa la rajeynayaa in Jean Ping iyo wafdigiisa ay kulamo la qaataan madaxda dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
Developed by Jago Desain