Xukuumada Soomaaliya oo maanta Shaaca KA qaaday Goorta La Qabanaayo Shirka Dib U hishiisiineed

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay shaaca ka qaaday in shirka dib u heshiisiineed ay qabaneyso bisha Septemper oo ay inaga xigaan maalmo kooban oo qura.
War saxaafadeed ay maanta soo saartay Dowladda Soomaaliya ayaa waxay uga hadashay xilliga dhabta ah ee la-qabanaayo shir balaaran oo dib u heshiisiineed ah, iyadoo sheegtay in shirka loo-qabanaayo dadka Soomaaliyeed.
Shirka ay Dowladda Soomaaliya qabaneyso, loona qabanaayo dadka Somaliyeed ayaa waxay Dowladda Soomaaliya ay sheegtay in lagu qaban doono magaaladda Muqdisho, isla-markaana waxay sheegtay in la-qabanaayo 4-5 ee bisha September.
War saxaafadeedkaan ayaa waxaa warbaahinta u akhriyay Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/Raxmaan Yariisow, kaasoo uu sheegay in qabsoomida shirkaan ay ansaxiyeen Golaha Wasiirada.

BAARGAAL MEDIA


Developed by Jago Desain