Shirkadda diyaaradaha ee Emarates oo hoos u dhigis ku sameyneysa lacagaha lagu raaco diyaradahooda.

Shirkada diyaaardaha ee Emirates, ayaa waxa ay ku dhawaaqday in ay hoos u dhigayso qiimaha macaamiisheeda ka safraya Dalka Kenya ay ku raacaan diyaarada wadama badan sida Yurub, Mareykanka, Hindiya, Bariga dhexe iyo Australasia.

Shirkada ayaa hoos u dhigtay qiimaha diyaaradaheeda lagu raaco 49% taasi oo ay uga gol leedahay in ay xoojiso suuqeeda dalka kenya iyo dalalka Bariga afrika .

Maareeyaha shirkada Emirates ee bariga africa Issa Suleiman Ahmad ayaa mar uu xariga ka jarayay qiima dhimistani waxa uu sheegay in tilaabadani ay qayb ka tahay qorshooyiin ay shirkada ku doonayso in adeegeeda ay ka dhigto kuwa u sahlan dadka musaafiriinta ah .

“waxa aan ku faraxsanahay in aan ku dhawaaqno qiimahani cusub ee diyaaradeena lagu raaco si ay dadka kenya jooga ee ku safraya diyaaradeheena ay u tix galiyaan shirkadeena sidaasi waxaa yiri maareeyaha shirkadda diyaaradaha ee Fly Emarates mr issa.

Meelaha lacagaha lagu raaco diyaaradaha shirkada Emirates qiima dhimista lagu sameeyay ayaa waxa ka mid ah Magaalooyinka Mumbai, Istanbul, Geneva, Zurich Paris iyo kuwa kal.

Baargaal.net
baargaal@gmail.com

Developed by Jago Desain