Taliye Sare Oo Ka Tirsan Puntland Ayaa Iska Casilay Shaqadii Uu Ka Hayey Gobolka Bari

Taliyihii qaybta Booliska gobolka Bari oo uu dhowaan magacaabay Madaxweynaha Dowladda Puntland C/raxmaan Faroole ayaa sheegay inuu iska casilay xilkaas kadib markii la tixgelin waayey talooyin usoo jeediyey,siduu sheegay.

Col.Axmed Gaani Cali oo la hadlay warbaahinta maxaliga ayaa sheegay in xilkaas uu iska casilay isla markaana diyaar u ahayn in uu qabto,isagoo u
sababeeyey in talooyin la xirrirta wax ka qabashada amniga gobolka Bari uu ujeediyey Dowladda aan wax tixgelin ah loo muujin.

”Waxba tari mayso inaan xilka hayo mar hadii aan sidii la rabey u gudanayn”,ayuu yiri isagoo raaciyey in amaanka Bosaaso aysan ku filneyn Ciidamada Booliska oo ay u baahan tahay Ciidamo kale.

Taliyaha ayaa intaas ku daray in warqada iscasilaada uu gaarsiiyey Madaxweynaha Puntland iyo Taliyaha Ciidanka Gen.Cali Nuur oo soo dhoweeyey siduu sheegay.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland afar maalmood kahor ayaa isbedel lagu sameeyey Taliska Booliska gobolka Bari iyo dekadda magaalada Bosaaso.

Shabakada Baargaal.net
Isha wararka Degaanada Calbari
Baargaal@gmail.com  / webmaster@allbaargaal.net
Developed by Jago Desain