Ergo Nabadeed oo ka Ambabaxday Boosaaso kuna Jeeda degmada Rako ee gobolka Karkaar

Ergo Nabadeed oo isugu jirta Odayaal, Nabadoono, Waxgarad iyo Culuma’udiin ayaa maanta ka ambabaxay gudaha magaalada Boosaaso, kuwaas oo ku wajahan degmada Rako oo ay ka dhaceen dagaal beeleed sababay khasaare ba’an.

Ergadaan oo u hoggaaminayo Beeldaaje Ismaacil Beeldaaje Yaasiin kana kooban 25-xubnood ayaa Saaka ka ambabaxay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Sidoo kale Ergada ayaa waxaa kamid ah Suldaan Cabdillaahi Soote, Nabadoon Ciise Axmed Ciise, Nabadoon Raage Maxamed Maxamuud, Nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xarago iyo Xuseen Xaaji Samatar.

Guddoomiyaha Nabadoonada gobolka Bari Nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xarago oo Saxaafadda la hadlay intii aysan Boosaaso ka ambabixin ayaa sheegay in Socdaalkeedu yahay mid ay ku doonayaan in ku ay tagaan goobihii lagu dagaalamay ee degmada Rako si labada beeleed ee dirirtu dhexmartay u kala dhex-dhigaan gogol nabadeed.
Nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xarago ayaa sidoo kale baaq u diray labada beelood ee Colaadu dhexmaratay,wuxuuna sheegay in si dhakhsi ah u joojiyaan dirirta,xabadjoojin labada dhinacba ay ku dhawaaqaan.

…..”Colaadda laba beelood maahan mid munaasib ku ah Puntland, waana mid ku haboon in sida ugu dhakhsiyaha badan lagu Joojiyo…”ayuu yiri Nabadoon Xargo.
Si kastaba ha ahaatee Colaada labada beelood ayaa waxaa ka dhashay khasaare isgu jirta naf iyo maala,waxaana soo baxaysa baaqyada
nabadeed ee loo dirayo labada dhinac.

Xigasho
Raxanreeb Radio
Developed by Jago Desain