Baaq nabadeed iyo midnimo loo soo tebinayo beesha Xuseen Taloreer “Siwaaqroon”





Qurbajoogta beesha Siwaaqroon oo ka walaacsan waxyaalo qaldan oo ka dhacay degaanka Calbari, waxay u soo tebinayaan beesha baaq nabadeed iyo midnimo.
Bulshada Calbari waxaa ayaamahan soo foodsaaray arimo qalafsan oo u baahan in si deg deg ah oo qotadheer looga arinsado, talo la lafaguray na loogu helo. Dhibaato kasta oo dhacda waxay leedahay dow loo maro oo lagu xaliyo si daacad ah na loogu falaaqeyo si xal waara looga gaaro.

Bulshada degaanka Calbari waxay leeyihiin ilbaxnimo boqolaal sano soo jirtay iyo nidaam dowli ah oo qarniyo lagu soo dhaqmijiray. Calbari waa degaanki la baxay Puntland kumanaal sano ka hore marki Faraaciinti Masaaridu soo gaareen ayaga oo doonayay maadooyinka udugga oo ah beeyada iyo meydiga.

Degaanka Calbari waa kan ugu nabadda iyo deganaashaha badan Puntland ama guud ahaan Soomaliya. Sida taariikhdu na bareyso, weli iska horimaad beeleed iyo colaad la sheegi karaa ma ka dhicin, weligiis na dhiig biniaadan ma lagu daadin degaanka Calbari.

Sanadki na soo dhaafay waxaa magaalada Baargaal iyo agagaarkeeda ka dhacay shilal kala duwan oo dhimasho, dhaawac iyo hanti la kala dhacay sababay. Taasu waxay beesha Siwaaqroon guud ahaan ku dhalisay welwel iyo wacaal nabadgelyo darida soo wajahday guud ahaan Calbari. Waxaa filanwaa iyo fajac ku naqday beesha dilkii xildhibaan Bile Maxamud oo Magaalada Baargaal lagu toogtay oo weliba ku dhintay gacanta dadka uu u yahay xildhibaaka usaga oo weliba ku hawlanaa danta beesha. Arintan foosha xumi waxay naxdin weyn ku dhalisay dhammaan waxagaradka beesha oo aad uga welwelsan cawaaqib xumada ka dambeyndoonta, haddii aan si deg deg ah wax looga qaban. Waxaa si weyn looga welwelsanyahay in ay dhacdo waxayaalo aan caado u aheyn beesha sida aargudasho iyo iska horimaad beeleed. Waxan ka digeynaa in falalka hadarnimo ee ka dhacaya konfurta Soomaaliya oo ka baxsan muslinnimada iyo dhaqanka wanaagsan ee Soomaaliyeed in aan lagu la soo galgalan degaanada ku caanbaxay nabadda iyo kaladambeynta bulshadeed. Waxan Eebe ka baryeynaa in ayan dhicin wax carqaladeya nabadgelyada Calbari aan wiiqin midnimada beesha Siwaaqroon.

Mashariicda loogu talo galay horumarka degaanka Calbari

Degaanka Calbari waxaa Eebe kumineystay kheyraad fara badan oo dhan kasta ah, waxaase jirta in dadka degaanku ayan weli si wacan uga faa’ideysan.
Haatan waxaa ku soo fool leh Calbari mashaariic horumarineed qiimo weyn leh oo ay lacag badani ku baxeyso loogu na talo galay in laga hirgeliyo degaanka guud ahaan her degmo iyo tuulo ba. Mashaariicdaas waxaa loo qorsheyay in degaanka laga hirgeliyo horumar: xag waxbarasho, xag caafimaad, xag beereed, xag biyaha iyo xoolaha. Si mashaariicdaasi ay si dhab ah uga hirgalaan degaanka, waxaa dadka degaanka looga baahanyahay midnimo, dadaal dheeraad ah, isxilqaan daacad ah, iyo maamul tayo leh oo xilkaas weyn u istaaga. Waxan si daacad ah oo niyadsami leh ugu baaqeynaa bulshada Calbari in ay si wadajir ah oo daacad ah ugu guntadaan hirgelinta mashaariicdaas Eebe ugu deeqay. Waxaa dhab ah in haddii midnimo, daacadnimo iyo karti lala yimaado in waxkastaa hagaagayaan bulshada na loo horseedayo horumar, nolo sharaf leh iyo mustaqbil wacan.

Waxan si niyadsami leh ugu soo jeedineynaa guud ahaan waxgaradka beesha, gaar ahaan isimada, cuqaasha, siyaasiyiinta, aqoonyahanada, culumada, ganacsatada iyo dumarka arimaha hoos ku xusan:
-        in shirweyne la isgu yimaado si arinkan loogu wajaho sida ugu haboon, xal waara na loogu helo iyo in loo xulo waxgarad arinkan lafagurikara.
-        in xalinta arintan beeshu u cuskato diinta islaamka, dhaqanka soo yaalka ah iyo xeerka u degsan bulshada oo ay weliguud ku soo dhaqmijireen.
-        In si wadajir ah looga hortago wax kasta oo nabadgelyada iyo midnimada beesha wiiqikara.
-        In mashaariicda laga hirgelinayo degaanka Calbari qorshe habeysan loo sameyo, waxgarad aqoon leh na loo xilsaaro.
-        In qayb kastaa u hogaansato goa’anada ka soo baxa shir weynaha beesha.

Waxan beesha u rajeyneyna guul, nabad iyo midnimo waarta.



 Xubnaha qurbajoogtada  baaqa soo tebineysa 
1. CAAQIL CALI YUSUF CIISE ( GUDDMIYAHA JAALIYADDA U.K.
2. CAAQILSACIID SAALAX SEED
3. CAQIL MOHAMUD MAHAMED ADAN DUBUJE. G KIXIGEEN.
4. CAAQIL FAARAH MAXAMED FAARAX FUQTARE
5. MAHAD CABDULAHI SAMATAR
6. CAAQIL XAYLE CABDI ISMACIIL BOOBOLARE.
7. AXMED NUUR CABAAS.
8. MAXAMED NUUR SHALMAD.
9. PROF. MOHAMED SALAH AFDUUB.
10. ABSHIR XAREED CALI.
11. CAAQIL SALAX MAXAMED CALI XABEEB.
12. AXMED SALAX MAXAMED.
13. CABDIQANI MAXAMED MUUSE.
14. MAXAMED CABDULAHI CALI.
15. MAXAMED YUSUF MUUSE {QAYLO}
16. CAAQIL SALAD XASAN CALI.
17. XASAN SALAD CALI.
18. MAHAD MAXAMED ISMACIIL.
19. MAXAMED CALI ADAN.
20. SACIID MUUSE GAROON.
21. CAAQIL MAXAMED YUSUF MABEGO.
22. MOHAMED SACID CILMI MUUSE XAAJI.
23. SAID CABDULAHI MAXAMUD.
24. CABDULQADIR ABOKAR AXMED
25. XASAN ABOKOR
26. ABSHIR CALI CUSMAN.
27. ABDULQAADIR MAXAMED CIISE. KOONTE.
28.CABDIKARIN MAXAMED CUSMAN.
29.MAXAMED FAARAH JAMAC LAMUUBE.
30.MAHAD CABDULAHI CIISE
31.DR. AXMED YUSUF, INDHATAAG, { U.A.E}
32. AQOONYAHAN SAALAX SALAAD CABDIRAHMAN {KSA}
33. AQOONYAHAN MAXAMED NUUR CABAAS. {QADAR}
34. MAXAMUD NUUR CABAAS
35.CUSMAAN AXMED BANGAX. AWBARIIS {OMAN}
36.GAASHAANLE SARE SAALAX FAATAX MAXAMUD
37. PROF. MAXAMED XAREED CALI
38. DR, CAAQIL MAXAMED SACIID CIISE
39. DR. MAXAMED M. ALLORE
40.CABDIRISAAQ SALAAD
41. CAAQIL ABDI M.ALLORE
42. AXMED M.ALLORE
43. PROF. MAXAMUD M.MUSE
44. XUSEN M.MUSE
45. XASAN M. MUSE
46. DR. MAXAMED S.ABDALLA
47. LIBAN X.SICID
48. NUR X.SICID
49. CABDULQADI.M.MAXAMUD
50. CABDI S.OMAR
51. SALAX QAASIM
52. CALI H. JAMAC
53. MUSE M.YUSUF
54. CABDULAHI YUSUF
55. MAXAMUD SICID
56. ING. AXMED MURUX
57. XASAN A.NEGARO
58. CABDULQADIR YUSUF
59. XUSEN MAXAMED
60. CABDIAZIZ S. JAMAC
61. JAMAC H. JAMAC
62. MUSTAFA A. HASAN
63. ABUKAR A. XASAN
64. M. SICIID JAMAC
65. ALXAAJI ABDIRAXMAN
66. MAXAMED X.ABDIRAXMAN
67. CABDULQADIR S. JAMAC
67. HABIB MAXAMED SACID.
68. OMAR MOHAMED OMAR.
68. MOHAMUD HUSEEN SALAAD.
69. MOHAMED AHMED SAALAH.
70. CAAQIL QAASIM XAAMUD.
71. ABSHIR XAAJI CIYE.
72. YUSUF MAXAMED YUUSUF CIISE (AFFEY)
73. CABDI BANGAX MAXAMUD
 DUMARKA.
74. MUXUBO CISMAAN GUULEED
75. FADUMO NUUR CABAAS.
76. DRS..SAMIIRO NUUR CABAAS.
77. FAADUMO AADAN DHEERE
78. RAHMO SALAD ALI.
79. MUUBO SAALAX GAABSHE.
80. SU’AD MOHAMED SACID
81. MARYAN OSMAN GULED.
82.HALIMO HAJI SAALAH {BIRISHKOLO}
83.SHUKRI HAJI SACID XOORE.
84. KHADIJO HAJI SACID XOORE.
85. NINCO BASHIIR
86. MUNO SALAH SAGAAR.
87. KHADRO XAREED ALI.
88. NAJMO MOHAMED SACID.
89. RUQIYO AHMED SALAH.
90. RODA SALAD HASAN.
91. NAJMO MOHAMED ALI.
92. SACDIYO MOHAMED HASAN.
93.MARYAN NUUX DOWSAR.
94. MURWO YUSUF ISSA
95. AMINO QURBAALE
96. XABIIBA SACIID CIISE
97. CAASHO X.SCIID
98. JOHARO.X.SICIID
99. XALIIMO. M.MUSE
100. MARYAN. M.MUSE
101 XALIIMO. A.ALI
102. SEYNAB. A.ALI
103. FADUMO. ALI
104. SAHRA. ALI AADAN
105. XALIIMO. SALAX
106. SACDIYO.YUSUF
107. FADUMO MAXAMED XAREED
 QURBAJOOGTADA BEESHA SIWAAQROON
Developed by Jago Desain