Col.Gaagaab: Faroole kuma darsan karo haddii kale wuxuu garaacaya geedo badan oo halaq ku jiro

Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Dowladda Puntland ayaa ka hadlay hadal dhowaan uu shaaciyey Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole oo ah in muddada xilka uu haynaayo ay tahay 5-sano.

Dr.Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo maanta Xafiiskiisa magaalada Gaalkacyo ku qabtay Shir Jiraa’id ayaa si kulul uga soo horjeestay arrintaas ,wuxuuna sheegay in ay tahay arrin aan la aqbali Karin oo aan la samaynin.

Wuxuu sharci darro ku tilmaamay in 480-qof ay matalaan shacabka reer Puntland oo ay ansixiyaan dastuur isagoo sheegay haddi ay meel mariyaan dastuurka aysan sax noqonaynin.

‘’Waxaan qaba in ay sharci darro tahay 480-qof ay matali Karin wakiil ka noqon kari codka qof kasta reer Puntland leeyahay,dastuur ay ansixiyaan uusan sharci noqonaynin iyo sax,dastuurki hore lagu dhaqmi jirey ee 2001-di si kumeel gaar ah loo ansixiyey qodobkiisa 54-aad ayaa cadeynaysa in xilkiisa 4-sano yahay waxaana loo dooran kara labo jeer keliya ‘’,ayuu yiri isagoo raaciyey in la hayo cadeymo cod ah hadana ku dhaartay in xilka uu haynaayo afar sano.

Mr.Gaagaab ayaa ka digay in Madaxweynaha uu ku darsado hal sano oo dheeraad ah isagoo sheegay haddii uu talaabadaas ku dhaqaaqo in Madaxweynaha uu garaacayo geedo badan oo halaq ku jiro ayna keeni karto dhib,siduu sheegay.

‘’Waxaan qabnaa oo dadweynuhu qabaan in maalin lagu darin,laguma dari karo lamana samayn karo haddii kale Madaxweynuhu wuxuu garaacaya geedo badan oo halaq ku jiro,dhib baa ka dhici karta xaaladda Puntland oo iska liidata haddii fiidmo lagu abuuro hadee masuuliyada isaga iyo golihiisa iska leh’’,ayuu sheegay.

Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo mar soo noqday Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa beeniyay mid kamid ah hadalada Madaxweynaha oo ahayd in Xukuumaddii hore ee Cadde Muuse soo diyaarisay in xilka uu hayn karo 5-sano isagoo sheegay in haddi ay xaqiiq tahay ay iyagu joogi lahaayeen.

‘’Madaxweynuhu wuxuu sheegay in xilka loo doortay 5-sano waana waxba kama jiraan arrintaas ,wuxuu ku dooday in Xukuumaddi hore diyaarisay.waxyaalaha qaar in laga xishoodo ayaa wanaagsan Madaxweynuhu in arrintaas la’eg oo aan waxba ka jirin dadweynaha hortooda ka qirto waa wax aan jirin haday shan sano tahay anaga waan joogi lahayn’’,ayuu yiri mar kale.

Siyaasiyin badan ayaa kasoo horjeestay mudo kororsiga uu shaaciyey Madaxweynaha Puntland.

Shabakada Baargaal.net
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain