Khaatumo State oo aqoonsigii lagala noqday

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta shaaca ka qaaday inay aqoonsigii kaga laabtay maamulkii dhowaan degmada Taleex lagu dhisay ee Khatumo State.

Digreeto kasoo baxday xafiiska sii hayaha xilka Ra’iisul wasaaraha ahna wasiirka beeraha Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim ayaa lagu xusay in maamulka Khaatumo uusan buuxin shuruudihii maamul goboleednimada sidaas darteedna aan la aqoonsan karin.

Digreetada ayaa sidoo kale lagu sheegay in qaabkii maamulka Khaatumo loo aqoonsaday uusan ahayn mid sharciga waafaqsan maadaama uu dastuurka qabyada ahi dhigayo in maamul goboleedyada cusub ay tahay in Baarlamaanku ansixiyaan.

Warkan kasoo baxay dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa imaanaya xilli dhowr beri kahor ay mas’uuliyiin Federaalka ka tirsani sheegeen in Khaatumo loo aqoonsaday maamul goboleed madax banaan oo ka tirsan maamul goboleedyada dowlada FKMG ah ee Soomaaliya.
Developed by Jago Desain