Madaxda DFKMG oo booqaday Galmudug & Kullan ballaaran oo looga hadlayo dhamaystirka Road-map-ka oo ka dhacaya magaalada Gaalkacyo

Madaxweynaha DFKMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sh. Axmed iyo Raiisal wasaare Dr. C/weli Maxamed Gaas ayaa Saaka aroortii booqasho ku tegay Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug, iyagoo halkaas kula kulmay masuuliyiinta Galmudug iyo qaar ka mid ah waxgaradka deegáanka Galmudug.
Shir ballaaran oo looga hadlayo waxyaalihii ka qabsoomay Road map-ka oo looga hadlayo magaalada Gaalkacyo
Kulanka masuuliiinta DF ay ku booqdeen maamulka Galmudug ayaa la sheegay in lagu xoojinayo midnimada dadka Soomaaliyeed, waxaana masuuliyiinta DFKG Soomaaliya halkaaas ku soo dhaweeyey waxgaradka, siyaasiyiinta iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.´

Maanta gelinkii danbe ayaa warar sugan oo na soo gaaraya ay sheegayaan in Saxiixayaashii barnaamijka Road-map-ka ay kullan ku yeelanayaan magaalada Gaalkacyo oo looga doodayo waxyaalihii ka qabsoomay Baraamijkii Road-map-ka ee la doonayo in looga baxo Maamulka Federaalka kumeel-gaarka ah oo ku eg bisha Augosto sanadka 2012-ka.

Kullankaas ayaa waxaa ka qayb galaya Masuuliyiinta ugu saraysa DFKS, Madaxda Dowlada Puntland, Ahlusunna waljamaaca, Galmudug iyo, Xafiiska UNIPOS oo ka imaanayo Wakiilka QM u fadhiya arrimaha Soomaaliya Mahiga iyo Guddoomiyaha Baarlammaanka DFKS oo laga sugayo maanta inuu yinaado magaalada Gaalkacyo oo ay hadda ku sugan yihiin inta badan xubnaha shirkaas ka qayb galaya.

Shabakada Baargaal.net
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain