Ruushka oo Markab la dagaalanka Burcad-badeeda ka qaybta qaata usoo diraya Badda Cas

owladda Ruushka ayaa shaacisey inay markab dagaal oo hor leh usoo diri doonto badda dhinaca waqooyi Soomaaliya kaga beegan ee gacanka cadmeed.
Markabkaas ayaa ka qayb qaadan doono howlgalka la dagaalanka Burcad-badeeda ee Dbiyaha caalamiga ah ee Soomaaliya ku xeeran.

Warkan ayaa laga soo xigtey afhayeenka ciidamada badda ee dalka Ruushka Capt. Vadim Serga oo shalay Saxaafadda caalamiga ah la hadaly.

“Waa halwgalkii ugu horeeyey ee la dagaalanka Burcad-badeeda ah oo loo diro markabka dagaal ee lagu magacaabo Vice Admiral Kulakov “ Serga ayaa yiri.

Dhowaan ayey ahayd markii wasiirada arimaha dibadda ee midowga Yurub ay isku raaceen in wakhtiga loo kordhiyo ciidamada EU ee ku sugan gacanka cadmeed iyo bad weynta India.

Waxay sidoo kale isku afgarteen in Burcad-badeeda lagu weerari karo berriga iyada oo la bartilmaameedsanayo gaadiidkooda iyo goobaha ay kasoo duullaan tagaan.

Dowladda Ruushka ayaa kusoo biirtey howlgalka la dagaalanka Burcad-badeeda Soomaalida sanadkii 2008, waxayna maraakiibtooda dagaalku galbiyeen in ka badan 130 markab oo kuwa ganacsiga ah.

Shabakada Baargaal.net
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain