Wasaaradda beeraha iyo waraabka ee Puntland ayaa ka digtey abaarta aadka u ba'an ee ka jirta Baargaal iyo meelo kale

Wasiirka wasaaradda beeraha iyo waraabka Eng. Maxamuud Xaaji Saalax (Biriishkolo) oo xafiiskiisa magaalada Garoowe Saxaafadda shir ugu qabtay ayaa ka hadlay xaaladaha abaareed ee xiligan ka jira deegaano ka tirsan Puntland.
Wuxuuna sheegay inay jiraan deegaano badan oo mudo dhowr sano ah aan wax roobab ah helin, roobabkii xiliga dayrtuna ay baaqdeen, islamarkaana ay khatar xooggani soo wajihi doonto hadii ay roobabka xiliga gugu ka baaqdaan.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa tusaale u sooqaatay degmada baargaal oo aan mudo 3 sano ah wax roob ahi ka da'in

Dhegeyso Shirka Jaraa’id ee Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Puntland

Eng. Biriishkolo wuxuu sheegay in wasaaraddiisu ay gudiyo dhowr ah u dirtay deegaanada ay abaartu saamaysay si ay qiimeyn ugu soo sameeyaan heerka ay gaarsiisan tahay. Wasiirku wuxuu tilmaamay in qiimeyn kadib ay wasaaradu ogaatay iney soo fool leedahay khatar ka timaada abaarta sidaas darteedna ay tahay in laga gaashaanto.

Wasiirka wasaaradda beeraha iyo waraabka ee Puntland wuxuu ugu danbeyntii baaq sidii arintaas wax looga qaban lahaa ku aadan u diray hay’adaha caalamiga ah ee samafalka, isagoo ku booriyey inaysan arintaas dhayalsan si deg deg ahna ay uga jawaabaan.

Gobolada ay abaartu saameysey waxaa kamid ah: Mudug, Sanaag, Haylaan, Nugaal, iyo Bari oo isagu ah kan ugu daran, gaar ahaan deegaanada xeebaha kulaala ee ku yaal bariga fog.

Shabakada Baargaal.net
Isha wararka horumarka Degaanada Calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain