Posts

Soomaaliland Oo Markii Ugu Horaysay Ogolaatay Wada Hadal ay Ay La Gasho Soomaaliya Inteeda Kale

Maamulka Soomaaliland ayaa markii ugu horaysay ogolaaday wada hadal lala galo Soomaaliya inteeda kale iayadoona uu arintaasi si toos ah ugu dhawaaqay madaxweynaha maamulka Soomaaliland Axmed Siilaanyo.
Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxtooyada Soomaaliland oo uu ku saxiisnaa Madaxweynaha Soomaaliland ayaa wuxuu u qornaa sidatan.

Warsaxaafadeed.

Madaxwayne Siilaanyo oo Guddi Farsamo oo ka Kooban 5 Xubnood Umagacaabay qaabka wada hadalka Somaliland & Somaliya.

Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isagoo ku qanacsan baahida loo qabo in ay Somaliland, dhineceeda fuliso, Go?aamadii Shirkii Caalamiga ahaa ee London 23 Feberoury 2012, inta ka khusaysa gaar ahaan Qodobka tilmaamaya wada hadalka Somaliland iyo Somaliya, waxaa uu magacaabay Guddi Farsamo oo kooban 5 xubnood kana hawl-gelidoona qaban-qaabada iyo qaabka wada hadalka (Somaliland & Somaliya) kuwaas oo kala ah:-

1. Wasiirka Arrimaha Debeda, Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar
2. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Maxamed Nuur Caraale (Duur)
3. Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka, Axmed Cabdi Xaabsade
4. Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka, Xuseen Axmed Caydiid iyo
5. Wasiirka Beeraha, Prof. Faarax Cilmi Maxamuud.

Gudigani waxay ka qayb-gelidoonaan kulan gogol-xaadha oo ay labada dhinac dhawaan ku yeelan doonaan magaalada London ee Cariga ingiriiska, kaas oo ay kuwada hadli doonaan Soomaaliland iyo Soomaaliya
Developed by Jago Desain