Xukuumadda Somaliya oo shaacisay in shirweyne uu 1-da bisha May ka furman doono Magaalada Muqdisho

Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay sheegtay inay u diyaar garowbeyso Ansaxinta Dastuurka Qabyo Qoraalka, iyadoona Xukuumadda Sheegtay inay taasi bilaabi doonto dardar gelinteeda 1-da bisha May ee foodda inagu soo heysa.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka ee Xukuumadda Kmg ah ee Somaliya Mudane Xasan Maxamed Jimcaale, oo maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay in Magaalada Muqdisho uu ka furmi doono Shirweyne.

Shirweynahaan ayaa wuxuu sheegay in 1-da bisha May uu ka furman doono Magaalada Muqdisho, loogana hadli doono sida uu yiri Dastuurka, isagoona sheegay in shirkaasi ay yeellan doonaan Guddiga Ergada Ansaxinta Dastuurka Qabyo Qoraalka.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu sheegay in Magaalada Muqdisho ay soo xaadireyn dhamaanba Guddiga Ergaga Ansaxinta ee Dastuurka, kuwaa oo uu qeexay inay u yimaadeen caasimadda, Ansaxinta Dastuurka Qabyo Qoraalka.

Shirka 1-da bisha May ka furman doona Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu ka dhawaajiyay in uu gogol xaar uu u yahay, shirka 15-ka bisha May lagu doonaayo in lagu Ansaxiyo Dastuurka Qabyo Qoraalka, oo uu murun badan ka taagan tahay.

Sidoo kale Mudane Xasan Maxamed Jimcaale ayaa wuxuu tibaaxay in dadka Somaliyeed ay kala hadlin doonaan Dastuurka Qabyo Qoraalka, ayna fursado u siin doonaan sida uu yiri, sidii dadka Somaliyeed ee fikradahooda uga dhiiban lahaayeen.

Xubno badan oo ka tirsan Siyaasiyiinta, Aqoon-yahanada, Culimada, Ganacsatada iyo Dhalinyarada Somaliyeed, ayaa waxay aaminsan yihiin in Dastuurkaan uu dhibaato u keeni karaayo dadka Somaliyeed, haddii bay yiraahdeen aanu waxba laga badelin qaabka iminka lagu doonaayo, in lagu dhaqan gelliyo.
Developed by Jago Desain