Imtixaanaadka lagaga gudbayo fasalka 8-aad ee dugsiyada dhexe oo Baargaal Ka socda


Waxaa Degmada Baargaal ka bilowday Imtixaanaadka lagaga gudbayo
fasalada 4-aad ee dugsiyada dhexe ee sanad dugsiyeedka 2011/2012

Munaasabad Imtixaanaadka lagu daah furayey islamarkaana ay
mas'uuliyiin , oday dhaqameedyo , Ganacsato iyo waalidiintii ardayda
kasoo qayb galeen ayaa ka dhacday Dhismaha Dugsiga hoose dhexe ee
balaal ee Degmada Baargaal

Sanadkan waxaa U fariistay imtixaanaadka Lagaga gudbaayo Fasalka 8
aad 14 arday oo isugu jira wiilala iyo gabdho

Si kastaba ha ahaatee Imtixaanka lagaga gudbayo fasalalka 8-aad ee
Dugsiga Hoose dhexe ee baargaal ayaa ah markii ugu horaysay oo
imtixaanka marxaladaa loo fadhiisto , kadib dadaal dheer oo uu guddi
isugu jira waalidiin , ganacsato , iyo oday dhaqameedyo degaanka ah ay
sanadkan horaantiisii u galeen siidii Iskoolka dib loo furi lahaa
kadib waxbarsho la'aan hal sano ah.

Maamulka cusub ee dugsiga Hoose dhexe ee baargaal ayaa sanadka wax
badan ka badalay nidaamkii iskoolka , ayagoo iskoolkii ka dhigay goob
si aad ah loo diyaariyay kuna haboon waxbarashada .


Shabakada Baargaal.net
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain