Posts

Muqdisho: dagaal xooggan oo saaka ka dhacay deegaanka Kaxda

Dagaal xoogan ayaa barqanimadii maanta ka qarxay deegaanka kaxda oo ku
taala duleedka degmada Dharkeenleyn ee magaalada Muqdisho.

Dagaalkan oo u dhaxeeya ciidamada dawlada Soomaliya oo kaashanaya
xoogaga AMISOM iyo Xarakada Alshabaab oo dhinac ah ayaa daba socday
dagaalo shalay ka dhacay degmada Dayniile ee duleedka magaalada
muqdisho waxaana dagaalkan uu qayb ka yahay dagaalada ay dawlada
soomaliya ku doonayso in ay ku qabsato deeganada ka baxsan magaalda
muqdisho.

ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM ayaa haatan ku sugan deegaanka kaxda
iyagoo doonaya in ay dhanka hawdka ka soo galaan deegaanka KM13 oo ay
xarakada alshabaab gacanta ku hayso waxaana ciidamada dawlada KMG ay
wadaan dagaalo laba saf ah oo ay ku doonayaan in ay kula wareegaan
deegaanada loo barakacay ee ceelasha biyaha iyo KM13 .

Xarakada Al-shabaab oo difaac culus kaga jirta deegaanka KM13 ayaa
lagu soo waraayaa in ay duqaynayaan dhanka deegaanka kaxda oo ay
joogaan ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM oo is garabsanaya waxaana
wararku ay intaas ku darayaan in dagaalku uu sii xoogaysanayo.

Majiraan wax war ah oo ka soo baxaya saraakiisha ciidamada dawlkada
Soomaliya oo ku aadan dagaalka maanta dib uga qarxay duleedka muqdisho
ee caasimada Soomaliya, hase ahaatee saraakiisha dawlada ayaa sheega
in dagaaladan ay qayb ka yihiin qorshaha dawlada Soomaliya ay ku
doonayso in ay la wareegto deeganada ku xeeran Muqdisho.

Deegaanadii ay shalay dagaladu ka dhaceen ee duleedka garoonka
Diyaaradaha Dayniile iyo nawaaxiga Garasbaaley ayaan maanta xaaladoodu
ay dagan tahay waxaana laga maqlayaa rasaas goos'goos ah oo ay is
dhafsanayaan dhinacyada is hor fadhiya.

Shabakada Baargaal.net
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain