Posts

SARACEN oo wali ku adkaysanaysa inay Iskushuban dul degaan

Shirkada shisheeye ee ka howlgasha Puntland laguna magacaabo SARACEN
ayaa todobaadyadii ugu dambeeyey xusul duub ugu jirtay sidii ay
fariismo uga samaysan lahayd deegaanada ku xeeran Degmada Iskushuban
ee Gobolka Bari.

Wararkii u dambeeyey ee aynu ka helayno shirkadan ayaa sheegaya in
saraakiil ka tirsan SARACEN ay ka horyimaadeen mar kale in ciidamada
loo diro Iskushuban, kadib markii saraakiishu ay shuruud ku dhigeen in
beelaha halkaasi degan aysan ogoleyn dagaalna ka xigaan in SARACEN soo
dagaan Iskushuban.

Mid kamida saraakiisha u shaqeeysa shirkadan laga leeyahay dalka South
Africa ayaa kula taliyey raga ajnabiga ah ee howshan u xilsaaran in
dadka Puntland ay qabaailo yihiin hadii maanta ay iyagu xoog iyo
dagaal ku tagaan meel aan laga dooneyn in saraakiisha Soomaalida ah
loo arkayo inay qabiil yihiin oo reer kale weerar ku yihiin sidaa
daradeed aysan habooneyn in aan fariisimo laga samaysan degmada
Iskushuban.

Isku dayo lagu doonayey in ciidamadan xoog ku dul dagaan deegaanka
Iskushuban ayaa kusoo dhamaaday fashil, waxayna arrintaasi sababtay in
ciidamo reer Puntland ah oo ka kooban 130 nin, islamrkaana qadiyadan
gadood ka sameeyey ay go,aansadeen inay isaga baxaan dibadana ka
joogaan howlaha qarsoodiga ah ee ay shirkadan ka wado deegaamada fog
ee gobolka Bari.

Bulshada ku dhaqan magaalada Iskushuban ayaa diidmo kala hor-yimid
howlaha macdan baarista ah oo ay wado SARACEN, iyadoo horay magaalada
EYL looga soo eryey shirkadan kadib markii dadka deegaanka ay kala hor
tageen dibad-bax.

Maleeshiyaad kasoo jeeda degmada Iskushuban ayaa mudooyinkii u
dambeeyey isku urur sanayey degmada iyagoo qorsheynaya inay dagaal
kala hortagaan hadii ciidamadan ay magaalada soo galaan.

Macluumaad ku saabsan Shirkada SARACEN

Sanadkii lasoo dhaafay ee 2011, ayaa Golaha Amaanka ee Qaramada
Midoobay loo gudbiyey su'aalo ku aadan hawlaha ay SARANCEN ka qabato
Puntland, ayadoo warbixintaasi lagu sheegay in hay'adan ay lug weyn ku
leeyihiin Aasasayaashii shirkadii horey loo burburiyey ee BLACKWATER
oo laga lahaa dalka Maraykanka, kuwaasi oo iyagu ahaa ciidamo la
kireysto oo u adeega hadba cidii lacag siisa. [Calooshood u
shaqeystayaal]

Shirkada SARANCEN ayaa xarunteeda ugu weyn kuleh Galbeedka Airporka
Bosaaso, ayadoo halkaasi ka sameysatay xero militari iyadoo sidoo kale
usoo degaan diyaarado u gaar ah shirkada.

Waxaa iyaduna jirta warar sheegaya in shirkada SARANCEN ay xiriir la
leedahay shirkada [ Sarancen Mineral Holdings Limited ] oo fadhigeedu
yahay magaalada Melbourne ee dalka Australia shirkadaasi oo ah mid
baarta Macdanta dhulka ku jirta.
Developed by Jago Desain