Tacsi:Nabadoon Cali Axmed Cali ( Cali kolon) oo ku geeriyooday magaalada Baargaal

Waxaa xalay magaalada Baargaal ku geeriyooday Allah ha unaxariistee
Nabadoon Cali Axmed Cali ( Cali Kolon ) oo kamid ahaa oday
dhaqameedyada sida weyn looga yaqaanay Deegaanada Calbari gaar ahaan Degmada Baargaal iyo Nawaaxigeeda

Nabadoon Cali Axmed Cali ( Cali Kolon ) wuxuu caan ku ahaa arimaha
samaflka, ugargaarida masaakiinta iyo agoonta iyo isku xirka
bulshada Degaanka dal iyo dibadba iyo soo dhawaynta Culimada iyo
martida

Allaha ha unaxariistee wuxuu marxuumku udub dhaxaad u ahaa, qayb
libaaxna ka qaadan jiray barnaamij kasta oo samafal ah oo laga fuliyay
Degmada Baargaal iyo degaamada ku dhow dhow , wuxuu qayb wayn ka
qaatay furitaanka iyo abaabulkii waddada Gumaayo , iyo lafagoray

Allaha ha unaxariistee Wuxuu Dhashay Nabadoon Cali Axmed Cali ( Cali
kolon) 1924 wuxuu Dunida uga tagay 29 qof kuwo uu dhalay iyo kuwo ay
sii dhaleen.

Maamulka iyo wariyaasha Warsidaha Baargaal.net waxay tacsi naxdin
iyo tiiraanyo leh halkan uga dirayaan guud ahaan bulshada Soomaaliyeed
gaar ahaan qooyskii, ehelkii, qaraabadii iyo xigtadii Alle ha
unaxariistee Marxuum Nabadoon Cali Axmed Cali ( Cali kolon ) Waxaan
Allah uga baryaynaa marxuumka in naxariistii janno ka waraabiyo,
qooyskii uu ka baxayna samir iyo iimaan kasiiyo Aaamiin.

Inaa Lilaahi Wa innaa Ilayhi Raajicuun.

Waxaa nasoo gaaraya qoraalo tacsiyo ah oo badan,Fadlan tacsidiina
kusoo dira qaybta hoose ee coment-ka

Maamulka Shabakada Baargaal.net
Developed by Jago Desain