Xagaa Bax Siyaasadeed

Siyaasadu waa nidaamka lagu waafajiyo wax yaabaha iska soo horjeeda ,
sida ‎in la dhex dhigo dadka is khilaafsan hishiis, nabad iyo wadda
noolaansho

noloshu maaha inaad wax cunto waxna cabto oo aad seexato, ee waa inaad
wax ‎ku soo kordhiso, horumarisana Bulshada aad ku dhex noolshahay ‎

saacad kaliya oo aad fikirto ama aad wax qabato, ayaa sanad aanan
fikirin oo ‎waxna qaban Kaaga qiima badan. ))‎

Shabakada Baargaal.net waxay akhristayaasheeda fursad u siinaysaa ama
u ‎qaban qaabinaysaa xagaa bax Siyaasadeed oo ay ka faaidaystaan,‎
Waxaan u soo Bandhigi Doonaa haduu ilaah yiraahdo Muuqaalo Dhulkii
ah si ‎ay ugu indho qabowsadaan Bilicda , quruxda Deegaanka ‎

Waxaan kaloo barnaamajkan ku soo Bandhigi doonaa , sheekooyin ,
Taariikh ‎iyo dhaqan laga dheehan karo waxay ay bulshada degaanku
aaminsantahay, ‎waxa qiima la leh iyo waliba fikradda ay ka haysto
nolosha. ‎

Waxaan Aragtida iyo fikirka akhristayaasheena ku qaabilaynaa kal
furnaan iyo ‎kalgacayl.. waxaan rajaynaynaa markuu barnaamajkan
dhamaado inay kala ‎tagaan yididiilo kob iyo kalax kabuuxisay

Waxa layaabka leh ee magaalada baargaal ka jira Sheeko , dad badani
‎codsadeen inaan wax ka qorno , dadka qaarkiisna ka biyo diideen oo ah
‎waraaba hirgis , xerooyinka u dhaca oo ariga kala baxa , laakiin
xajmiga iyo ‎wararka kala gadisan ee kaa soo gaaraaya ayaa mararka
qaar ku xakuma ‎

Shabakada Baargaal.net
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain