ADEEGSIGA FARSAMOOYINKA JIYOOFISIKADA EE BAARITAANADA BIYAHA DHULKA HOOSTIISA

ADEEGSIGA FARSAMOOYINKA JIYOOFISIKADA EE BAARITAANADA BIYAHA DHULKA HOOSTIISA
Dotoorada waxay yiraahdaan: "Tuugsibaa lagugu taajirin"
Madaxda waxay tiraahdaa: "Tubaal baan ka taagan".
Dujaarta waxay tiraahdaa: "Tif iyo tiirba waaba dhoofin",
Dadkana waxay yiraahdaan: "Tuugow turaabta noo daah",
Degaanka wuxuu yiraahdaa: "Tirmayee maxaa ku tarmi!"

Haddii aad horey u aqrisay maqaalkaa "Dal abaar ah ma jiro, ee dad abaar ah baa jiraa. Dad abaar ah ma jiro, ee madax abaar ah mooyee", waxaa si sahlan u arkaysaa sida Reerihii Galmudug ee abaarta iyo oomanaha dartii u tagay Hiiraan, lix bil ka yar ay degaankooda ka abuureen nolol cusub, walow ay ku jireen xilli jiilaal dheere ah.
Waatay waamaha (sinkholes) biyaha lakhi jiray,  ceelal iyo baraagyo waaweyn ka dhex qodeen, biyihiina ugu dabatagay dildilaacyadii iyo boholo-biyeedka ku dhexyiil dhagax-dixeedyada (limestone rocks) ee degaankaas lagu yaqaan. Waatey beero digir, qare iyo khudaar kale ka dhigeen dhulka carro gaduudka ah ee ku yaal agaha waan kasto.
Waxaa kale kuu muuqanayaa sida kartida dadkaas ku jirto awgeed, muddo ka yar hal sano  ay toggagii ugu sameeyeen biyoxireenno lagu dhex sameeyay dooxooyinka, kana sameysan tuurar "dhagax-ood-ciid" ah, oo xilligii roobka guga noqday biyo-qabatinno xoolaha iyo dadkaba ka biyo cabaan, dhir iyo doogna ka dhiga degaankaas.  

Arrimahaan ayaa aakhirkii keenay in dadka markaas degganaa dhulweynaha Galmudug ka adkaadaan baahida iyo abaarta, iyaga oo xilliga roobka xoolahooda ka biyo cabaan biyo-xireenada waadiyada, daaqaanna doogga dhulkaas ka baxayo. Xilliga jiilaalkase waxay soo ag degi jireen ceelashii iyo baaragyadii biyaha roobka keydiyay ee ku yaalay nawaaxiga waamaha; sidaasna ugu jiilaal bixi jiray. Waxaa rumoobey hal ku dhiggii wiilkii boqorka Ajuuraan ku yiri: "Dad waa duunyo, duunyana waa doog, doogna waa biyo, biyana waa god, ee biyaha ha loo godo qoto ama ha loo qabatin sameysto". Riyadaanse ma rumoobi lahayn haddii boqorkii Ajuuran uusan muuhaal u sameynin Reer Galmudug, kaas oo ah inay degaankooda biyo iyo badar la mid ah ama ka badan kan Hiiraan ka baxo ku sameystaan. Tubxeesha uu adeegsadayse waa daacadnimo u moojiyay markaa wiilkiisa ugu yaraa raacshay, kuna amray inay delaan haddii degaanadooda biyo iyo badar haqabtira aysan ka helin. Kasmada iyo garaadka wiilka yarse waxay keentay in dadkii uu hub ka dhigo, habeeyo, hawl galiyana, faa'idadii laga helay hawshaasna  la wada ilaalsado, si siman loo wadaago.  
Haatan ay Reer Galmudug degaanadoodii uga soo tageen horumar la'aanta degaanadaas ka jirtay sidii aan xurriyadda u qaadanay iyo ka horba, waxaa maamulada degaanadaas looga baahan inay dib dadkaas ugu soo nooleeyaan himilo ah inay degaankooda dib u dhisaan, iyagoo Alle mooyee. cid kale aan la tashan. Waa in degaanadaas ka dhashaan "Kacaanka Gagaaran ee Dhulka iyo Badda " (Green Revolution of Land and Sea).
Kacaanka cagaaran waa mid biyoqabatinno loogu samaynayo dooxooyinka biyo mareenka ah, laguna beerayo cawska iyo dhirta ka baxdo dhulka nabaad guurayo ama leh carro-seylka. Kacaankaas waxaa ka mid ah dhismaha wadooyin casri ah oo laami ah oo isku xiro magaalooyinka waaweyn ee Galmudug iyo magaalo furdooyinka Hobyo, Xarardheere, Mareeg, si loo yareeyo wado-carrooyinka tirada badan ee nabaad guurka ka qeyb qaadanayo. Kacaanka Cagaaran waxaa ka mid ah dhismo deg deg ah oo lagu sameeyo furdooyinka Hobyo, Xarardheere iyo Mareeg, kuwaas oo laga dhoofinayo xoolaha iyo badeecada Maamulada Galmudug iyo Shabeel_hiiraan. Kacaanka Cagaaran waxaa ka mid ah biyo ka helidda degaanada bacadka ku socdo, biyahaas oo "drip irrigation" ahaan loo adeegsanayo bacadka dushiisa laga beero liin dhanaan, liin oranji iyo liin bombeelmo.


MUHIMADDA FARSAMOOYINKA JIYOOFIISIKADA U LEEDAHAY 
HELITAANKA BIYAHA DHULKA HOOSTIISA KU JIRA.

Ummad kasto oo meel ku nool waxaa horumarkeeda ku xiran yahay nooca iyo inta biyo ay heystaan, Dadba dadka uu ka horumarsan yahay waxay u baahan yihiin biyo joogto ah oo nadiif ah oo ay dadka iyo xoolaha cabaan, cunnada lagu karsado, lagu qubeysto, beeraha lagu waraabsho, warshadahana ay u isticmaalaan. Baahidaas tirada badan ayaa biyaha ka dhigay kheyraad dahsoon oo la'aantiisa uu noolaha jiri karin, Sidaas darteed, waxaa dadka iyo dawladaha ku waajib ah, in marka laga yimaado amniga, muhimadda kowaad, tan labaad iyo sadexaadba la siiyo sidii loo heli lahaa biyaha joogtada ah oo ay u baahan yihiin dadka, duunyada, beeraha iyo warshadaha. 
Walow ay jiraan in meelaha qaar ay leeyihiin biyo ku dareera wabiyada iyo waadiyada, haddana biyahaas ugu badnaan nadiif ma ah, caafimaadka dadka iyo xoolahaba uma fiicno. Si loo helo biyo nadiif ah waa in dhulka la qodaa, maadaama 90% biyaha dhulka dushiisa ku da'o ay u gudbaan dhulka uurkiisa. Biyahaas waxay ku uruuraan lagana dhex heli karaa dulduleelada ciid-dhagaxa (sandstone pores), dildilaacyada iyo boohollada ka dhashay milmidda dhagax-dixeedka (limestone cracks and caverns) iyo sallax-burburka iyo dhamballada dhagax-shiilka iyo dhagax-dooranka (fracture granites and metamorphic rocks). 
Raadinta iyo helista saqafbiyaha (water table) dhulka hoostiisa ah, waa mid ka mid ah waxyaalaha ay farsamada jiyoofiisikada loo adeegsado. Farsamadaan ayaa lagu raadiyaa farqiga caabin-danabka (resistivity) dhagxaanta dhulka ama farqiga dhagxaanta u gudbiyaan gariirinta (seismicity). Haddii ay kala duwan yihiin caabin-danabka (resistivity) dhagxaanta ka koreeyo saqafbiyaha (water table) iyo kuwa ka hooseeyo, waxaa si sahlan loo ogaan karaa qotada (depth) iyo baaxadda (extension) biyaha dhulka hoostiisa ku jira.




FARSAMADA CABBIRKA DANABDHULKA (GEOELECTRIC METHOD)

Si loo ogaado halka biyahaas ay ku jiraan waxaa muhiin ah in la adeegsado nooc ka mid ah farsamooyinka kala duwan ee Jiyoofiisikada. Haddaan la sameynin daraasaadka hufan oo qotodheer oo jiyoofiisika ah, waxay u badan tahay in meel biyo leh laga waayo biyo, ama laga helo biyo yar. Sida ku cad jaantusyada hoos ka muuqda, waxaa dhici kartaa labo ceel oo dhowr mitir isku jiro midna biyo laga helo, kan kalana dhagax-shiil adag afka saaro. Sidaasna ay ku lunto malaayiin lacag ah oo hawlo kale loogu qaban lahaa dalka iyo umadda.




Farsamada ugu wanaagsan, uguna sahlan in lagu ogaada halka biyaha ay ku jiraan waa "Dhuldanabeynta (Geoelectric method). Iyadoo la adeegsano baateri fiilo lagula xiriirsha labo bir oo dhulka la surayo, ayaa dhulka la maayadeeyaa, ka dibna labo bir kale ayaa lagu cabira farqiya maayad gudbinta barta cabirka laga qaadayo. Dhulka uu dhagaxa saafi uu yahay oo uusan biyo lahayn, maayadda degdeg ayay u dhexmartaa, farqiga maayad gubinta waa yar tahahy, halka dhagaxa leh dulduleelo biyo ku jiraan uu socodka maayadu hoos u dhaco, farqiga maayad gudbinta uu kordho. 
 Iyadoo aqoontaan "Dhuldanabeynta" la deegsanayo ayaa saddex si loo qaadi karaa cabbirada "farqiga maayad-gubinta". Saddexdaas siyood waa " Schlumberger array", "Wenner array" iyo " dipole-dipole array". Natiijooyinka "dhuldanabeynta" ayaa muujinayaa farqiga caabinta dhulka (geo-resistivity).
THE SUCCESS OF GEOPHYSICS REQUIRES TO USE
EACH TIME THE METHOD(S) BEST SUITED TO THE
SPECIFICITIES OF THE SITES TO INVESTIGATE





FARSAMADA CABBIRGARIIRKA DHULKA (GEOSEISMIC METHOD)

















HADDAY IYAGUBA SAMEEYEEN, ANNAGANA WAA KA BADIN KARNAA










Developed by Jago Desain