Posts

Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay nidaamka axsaabta siyaasadda ee Puntland

Golaha wakiiladda ee dowladda Puntland oo kalfadhigoodii 28-aad uga
socdo caasimadda Puntland ee Garoowe ayaa maanta meel mariyay xeerka
codbixiyayaasha oo ka mid ahaa qodobadii guddiga doorashada uu soo
gudbiyay shalay.

Doodii baarlamaanka uu ku diiday xeerka codbixiyeyaasha ayaa waxaa
sababtii ugu weynyd uu baarlamaanku uu diiday ugu wacnayd qodobada
gudiga doorashada uu soo gudbiyay qaarkood oo baarlamaanku uu sheegay
inuu ka horimaanayo dastuurka,kadib markii gudiga uu soo jeediyay in
gobolada Karkaar,Haylaan iyo Cayn laga saaro gobolada axsaabta
siyaasadeed ay xafiisyadooda ka furanayaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo
kulankii maanta shir gudoominayay ayaa waxaa uu sheegay 45-xubnood
inay soo xaadireen fadhigii maanta, islamarkaana 37-xubnood ay isku
raaceen in ururada siyaasadeed ee Puntland laga furanayo looga
baahanyahay gobol kasta inay ka helaan 500-oo qof.


"37-mudane waxaa ay yiraahdeen gobol kasta macalla degmooyinkiisa shan
boqol baa laga rabaa, gobol kasta oo Puntland ka mid ah waxaa laga
rabaa shan boqol oo taageere, sadex mudane waxaa ay yiraahdeen kunka
ayaan qaadanaynaa" sidaasi waxaa cod dheer ku sheegay
afhayeenka baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi kadib
markii dooda lasoo gabagabeeyay.


Shabakada Baargaal.net
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain