Burcadbadeeda oo Maraakiib ay hasteen la tegey duleedka degmada Caluula

Wararka ka imaanaya degmada Caluula ee gobolka Bari ayaa sheegaya in
deegaano ka tirsan xeebaha degmadaas la keenay Maraakiib ay kooxaha
Burcad-badeeda ahi qabsadeen kuwaasoo ay horay dhinaca degmada
Baargaal ula soo aadeen haseyeeshee ay kasoo carareen kadib markii ay
halkaas ciidamada badda ee Puntland gaareen.

Qaar kamid ah dadka ku dhaqan degmada Caluula ayaa warbaahinta u
sheegay in maraakiibtaas oo labo ahi ay kusoo xirteen agagaarka
tuulada Dhurbo oo hoos tagta degma Xaabo.

Cabdi Cali Gaajuur oo kamid ah waxgaradka degmada Caluula ayaa
xaqiijiyey in kooxo badan oo Burcad-badeed ahi ay duleedka degmada
Caluula soo gaareen.

Wuxuuna intaas ku daray in ay dhibaato weyn ku hayaan islamarkaana ay
falal badan oo anshaxa suuban liddi ku ah deegaanka ku faafinayaan
sidaas darteedna ay ka go'an tahay inay deegaanadooda ka baaciyaan
haseyeeshee aysan awood u lahayn.

Cabdi Cali ayaa ugu danbeyntii ugu baaqay dowladda Puntland inay
arintaas sida ugu dhaqsaha badan usoo fara geliso isagoo xusay in
dadka deegaanka ay ka go'an tahay inay gacan ka geystaan sidii
kooxahan jirri badeeda ah degmada Caluula iyo tuulooyinka hoos taga
looga saari lahaa.

Burcadda lasoo sheegayo inay dhurbo gaareen waxay haystaan labo markab
oo nooca xamuulka qaada ah kuwaasoo ay kasoo kala qabsadeen badda cas
iyo badweynta India.

Shabakada Baargaal.net
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain