Ciidamada Bada Puntland oo Gudaha u galay Degmada Baargaal

Ciidamada badda Puntland ayaa maanta duhurnimadii gudaha u soo galay
degmada Baargaal ee gobolka Bari Ayadoo aan wax iska hor imaad ah
uusan halkaasi ka dhicin .

Ciidamadaas ayaa markay saacadu ahayd 1 dii duhurnimo gudaha u soo
galay degmada , waxaana hawada sare ee degmada dul heehaabaysay
diyaarad la sheegay inay leeyihiin SARACEN oo tababarta ciidamada
badda Puntland.
taasoo markii danbe magaalada geeskeeda ku degtay

Xaaladda degmada Baargaal ayaa xiligaan Ah mid degan

wixii soo kordha kala soco shabakada Baargaal.net
Isha wararka horumarka Calbari
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain