Posts

Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo qabsaday degmada Balcad

Ciidamada dowladda oo garab ka helaaya kuwa AMISOM ayaa waxa ay la
wareegeen deegaanka Balcad ee gobalka Shabeellada dhexe.

Ciidamada huwanta ah ayaa Balcad kula wareegey si nabad ah kadib
markii ay ka baxeen ciidamada Al-shabaab oo iyagu in mudo ah
magaaladaas ka ariminayey.

"Waxaan joognaa Balcad ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa gacanta
ku haya, ilaa magaalada Jowhar waan gaareenaa'' ayuu yiri Taliyaha
guutada koowaad ee ciidamada milateriga Soomaaliya, Jen. C/lalahi Cali
Caanood

Dhanka kale saraakiil u hadlay Al-Shabaab ayaa sheegay in ay degmada
Balcad uga baxeen xeelad dagaal.

30-km ayey dhinaca waqooyi kaga beegan tahay magaalada Muqdisho,
waxayna qabsashadeedu ku soo beegmaysaa xili dhawaan ciidamada
dowladda iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen dekadda Ceelmacaan iyo
garoonka diyaaradaha Cisiley oo ka tirsan Shabeellada dhexe.

Shabakada baargaal.net
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain